Dagaal xoogan oo keenay khasaare fara badan oo saaka ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho

Halkaan ka akhri

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii xooga badnaa ee saakay waabarigii ka dhacay qeybo ka mid ah wadada Warshadaha, kaasoo u dhaxeeyay Kooxaha Kacdoonka iyo Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa isa soo taraya qasaaraha uu geystay.Hase yeeshee sida lagu soo warramay dagaalkan ayaa ahaa mid aad u kulul, wuxuu bilowday salaadii subax kadib, kaasi oo soo gaaray 8-dii subaxnimo ee saaka, iyadoona qasaaraha uu yahay mid u badan dad rayid ah oo madaafiic ay ugu tageen Xaafadooda.
Balse inta la Ogyahay waxaa dalkan ku geeriyooday hooyo iyo labo caruur oo ay dhashay kuwaasi oo madfac uu ugu tagay hoygooda uu ku yaala Xaafada Waxar Cadde ee Duleedka waqooyi Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale qof kale oo rayid ah ayaa iyana lagu soo waramayaa inuu ku dhintay Xaafada Towfiiq, kaasi oo haleeshay rasaas habow ah oo aheyd kuwii la is dhaafsanayay.
Waxaa dadka deegaanka ay ku warameen in dagaalka uu sii xoogeystay markii Xoogaga Kacdoonka weeraro ballaaran ku qaadeen wadada Warshadaha oo ah wado dagaaladu ku xirmeen, isla markaana ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Si kasta ha ahaatee Kooxaha Kacdoonka ayaa aroor walba waxay xarunta Warshada Baastada ee ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia la beegsadaan Hoobiyayaal tiro badan, iyadoona saaka Ciidamada ay jawaabo culus ka bixiyeen, taasi oo keentay in dhowr xaafadood u qeybiyaan Madaafiic fara badan.
Warku wuxuu intaas racinayaa in xaalada ay haatan u muuqata mid degan, balse waxaa adag in gaadiidka ay galaan xaafadaha si ay u suura gasho in dhaawacyo looga soo daad gureeyo, bacdamaa dhinacyadii is dirirayay ay yihiin kuwo is hor fadhiya.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: