Xildhibaanada Barlamaanka oo maanta cod buuxda ku ansixiyeen heshiiskii Jabuuti ku dhex-maray dowladda KMG iyo Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya.

Barlamaanka KMG ah

Halkaan ka akhri

Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaanada Barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhamaaday jawi wanaagsan, kadib markii dhamaan xildhibaanada ay ansixyeen heshiiskii Dowladda iyo Mucaaradka ku saxiixdeen magaalada Jabuti ee Dalka Jabuuti
Warku wuxuu intaaas raaciyey in Ansixintan ay timid kadib markii maanta uu Baarlamaanka hortagay Gudigii Dowladda uga qeyb galay shirkaas, isla markaana uu u faah faahiyay waxyaabihii kulankaas lagu soo heshiiyay.
Hase ahaatee Wasiirka Warfaafinta ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ahaa Madaxii Gudiga Dowladda uga qeyb galay shirkii Jabuuti ayaa Baarlamaanka u faah faahiyay ahmiyada uu leeyahay Heshiiskan, isagoo qeexay in Baarlamaanka uu yahay Hey’ada kaliya ee wax sixi karta, isla markaana heshiiskan meel marin karta, isagoo usoo qaatay in Baarlamaanka ka wakiil yihiin Umada Soomaaliyed oo idil.
Wasirku ayaa sheegay in qodobada ka soo baxay shirkii Jabuuti ay yihiin kuwo haddii la fuliyo wax weyn ka bedeli kara xaalada adag ee uu maanta ku sugan yahay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna soo qaatay in wali ay jiraan kooxo diidan heshiiskaas oo uu sheegay in ay dagaalo ka wadaan Soomaaliya.
 Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanada dhamaantood ay isku wada raaceen isla markaana aanay jirin cid diiday, sidaasna waxaa lagu ansaxiyey waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii Jabuuti oo ay markii horena Xildhibaanada ku doodayeen in aan la horkeenin Baarlamaanka.
SomaliSwiss  Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com
%d bloggers like this: