R/wasaare Nuur Cadde:“ Haddii ay ku Jirto danta iyo Maslaxadda Umadda Soomaaliyeed, waxaan diyaar u ahay inaan Is Casilo.

R/wasaare Nuur Cadde

Halkaan ka akhri

War ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen oo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa saaka lagu shaaciyey dhammaan Warbaahinta Soomaalida ay leedahay gudaha iyo dibadduba, hase yeeshee Nuur cadde ayaa sheegay inuu is casilayo hadii nabad lagu helayo ka tagitankiisa Xafiiska Ra’iisul Wasaarenimada Soomaaliya, haddii ay sidaas xal ay ku jirto.

 

R/wasaare Nuur Cadde ayaa tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo dhinacyada Dowladiisa ka soo horjeeda, si shuruud la’aan, wuxuuna intaa raaciyay in Dowladiisa dhowreyso Heshiiska Jabuuti ay kula saxiixdeen Kooxaha Mucaaradka.
Hase ahaatee Mudane Nuur Cadde wuxuu ku celceliyey ee uu yiri:”Waxaan Diyaar u ahay inaan is casilo haddii danta Soomaaliyed sidaas ku jirta”, wuxuuna xusay in hadii kursiga uu ku fadhiyo uu yahay mid xal lagu helayo ka degistiisa uu diyaar u yahay taas.
Sida la soo sheegay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Barlamaanka maalmahan ka socday warar sheegayaa in xildhibaano ka tirsan Batlamaanka KMG ah ay maleegayeen Mooshin lagu doonayo in Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde lagu cadaadinayo sidii uu u soo hor fadhiisan lahaa Baarlamaanka, waxaana Xildhibaanada Mooshinkan soo diyaariyey ku eedeeyeen in Xukuumadda Nuur Cadde ay tahay fadhiid oo aysan jirin wax ay u qabatay umadda.
SomaliSwiss  Nayrobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: