Ciyaarihii Olympiyada Tartanka Beijing 2008-da oo wali la isku haysto ciddii Qaranka Soomaaliya u mateli lahayd.

Tartanka Olympiga

Halkaan ka akhri

  • Dood iyo is jiid-jiid xoog leh ayaa ka socota safaarada somaalida ee Itoobiya ay ku leedahay ka dib markii la isku qabtay ciidi somaaliya ugu qeyb geli lahyed ciyaaraha oradada Olombikada aduunka ee Bijiin 2008.Orodyahanka magaciisu la yiraahdo Mohamed Ali Mohamed oo ah ciyaaryahan soomaaliyeed oo dhinaca orodada ayaa wuxuu dood kulul ka keenay cidii loo magaabi lahaa inay ka qeyb galanaa ciyaaraha olombikada addunka ee dhinac oradka ka dib markii Xiriirka ciyaaraha Fudud auu magacaabeen Ciyaaryahan A/naasir Siciid inuu tartaankaasi soomaaliya u matalo.
  • Sida la wada ogsoon yahay Ciyaarahii African Champions ee la qabtay dhawaantan Magaalada Addis-ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa uu ciyaaryahan Mohamed Ali Ka galay kaalinta 15 aad halka ciyaaryahan A/naasir saciid uu isna ka galay kaalinta 17 aad tasoo ay markii ay qiimeeyaana guddiga ay ku sheegeen inuu A/naasir ma tali doono ciyaaraha oradada.

  • Mohamed Ali Mohamed oo u hadlayey qaar ka mid Warbaahinta Soomaaliya ayaa wuxuuyiri: “Aniga waxaan orday tartankii african champions waxaana galay kaalin fiican waxaana rajo ka qabay inay i magaacai doonaan guddiga lakiin taasi ma dhicin oo ciyaaryahan iga hooseeyay ayay magacowdeen”.
  • Wuxuuna intaas uu Raaciyey ee uu Yiri:”Waxaan aamminsanahay inaan xaq u leeyahay inaan ka qaybgalo tartankaas oo aan matalo waddankayga Soomaaliya marka la eego darajadayda African Championships-kii ugu dambeeyay ee lagu qabtay addis ababa bishii April illaa May ee 2008 aniga oo galay kaalinta 15-aad ee orodyahannada ugu fiican qaaradda Africa tartankaas oo ahaa 5000M, tartankaas oo ay isugu yimaadeen orodyahannada ugu fiican adduunka ( World Record Holders ) oo kasoo jeeda qaaradda Africa, islamarkaana waxaan noqday orodyahanka Koowaad ee ugu fiican Soomaaliya xilligan”.

  • Hase yeeshee Madaxda Xiriirada Soomaalida ayaa ku caan noqday mudooyinkii u dambeeyay wax is daba marinta iyo nin jecleysiga, iyadoo la arko in marka ay soo baxaan Cayaaraha Caalamiga ah ay Madaxda Xiriirada garab ahaan liiska ugu daraan dad ay isku dhow yihiin qabaa’il ahaan, waxaa kaloo sii jirta in cayaartoygii muujiya xirfadiisa lagu xiro shuruudo ah lacag ama laga joojinayo ka qeyb galka tartamada caalamiga ah, taasoo dad kale oo aan u qalmin ay lacag kumanaan gaaraya kaga qaata si dadkaas uga sii dhuuntaan wadamada la geeyo oo ay u abaaraan Dhanka Dalalka Yurub ee qaabila Qaxootiga.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: