Ciidamo isugu jiro Soomaali iyo Ethiopiyaan oo si naf-lacaarug ah ku soo gaaray magaalada Baydhabo.

Ciidamo naf-lacaarug ah

Halkaan ka akhri

Warar naga soo gaaray Saakay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegayaa in Ciidamo isugu jira ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwo ka tirsan Dowladda KMG ah oo dhawaan lagu soo tababaray gudaha dalka Ethiopia oo shalayna dagaal culus loogula hortagay  duleedka Galbeed ee Magaalada Bardaale ayaa la sheegayaa in ay xalay saq Dhexe soo gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. 

Hase ahaatee Ciidamadan oo  lagu qiyaasay Boqolaal ayaa la sheegayaa in ay wateen dhowr gaadiidka dagaalka ah iyo kuwa lagu daabulo ciidamada. 

Warkan oo aan ka helnay dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa tibaaxaya in ciidamadani xalay uu dagaal ku qabsaday inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Bardaale, balse lama sheegi karo ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay inta u dhaxeysa Baydhabo iyo Bardaale.

Hase yeeshee waxaa la sheegayaa in wali ciidamadu soo dhameystirmin oo ay qeybo yar yimaadeen, balse guud ahaan ciidamada gudaha Ethiopia lagu soo tababaray oo gaaraya ilaa 3kun ayaa la sheegay in muddo 7 bilood ah ay tababar ku qaateen gudaha dalka Ethiopia, waxayna isugu jiraan Milateri iyo Boolis, waxaana arrintan ku soo aadiyay waqti ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed gabi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta gobolada Dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss  Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: