Maleeshiyaadka Dowladda KMG ah oo dhac iyo handadaad u geystay Ganacsatada Suuq Bacaad.

Suuq Bacaad

Halkaan ka akhri

Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo warramayaa in Ganacsatada suuqaas ay Cabasho xooggan ka muujiyey rag ku labisan dareyska ciidanka Dowladda KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Ethiopia oo suuqa ka geysta dhac xoogan.

Ganacsatadu waxay sheegeen in ragan ku labisan dareyska ciidanka Dowladda ay dhac kula kacaan dadka rayidka ah ee soo gelaya ama ka baxaya suuqa, waxayna sidoo kale ku cowdeen ganacsatadu in ragaasi mararka qaarkood guadaha u soo galaan goobaha ganacsi ee suuqa halkaana ka geystaa dhac xooga.

Hase ahaatee Ganacsatada Suuq Bacaad ayaa waxa ay dalbadeen in Suuqa loo sameeyo Ciidamo Madani ah oo ka mabax banaan ciidamada dowladda ee dhacaya hantida dadka rayidka ah ee ka ganacsada ama ka adeegta Suuqa.

Goobaha Ciidamada Dowlada KMG ah ay ku sugan yihiin magaalada muqdisho ama gobolada kale ee ka agdhow, ayaa dadka ku dhaqan waxa ay ka cowdaan amaan daro baahsan oo la soo gudboonaatay naftooda iyo hantidoodaba.

Balse ma ahan markii ugu horeysay ee cabasho tan la mid ah ka soo yeerto qaar ka mid ah ganacsatada meheradaha ganacsi ku leh goobaha ka agdhow fariisidada ciidamada KMG ah, waxayna taasi tusaale u ah in dadka rayidka ah ay marnaba kalsooni u heynin ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa Gumeysiga Ethiopia toona.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: