Madaafiic Hoobiyaal ah ayaa lagu weeraray fariisimaha ciidamada gumeysiga Ethiopia ee Warshada Baastada iyo Xeyla Bariise.

Ciidamada gumeysiga

Halkaan ka akhri

Duqeyn loo adeegsaday hubka loo yaqaano Hoobiyaasha ayaa lagu qaaday fariisimada ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwo dowlada KMG ee dhismayaashii hore ee W/Baastada iyo saldhiga X/Bariise.

Ku dhawaad 15 madfac ayaa lagu garaacay labadaasi saldhig saacadihii hore saaka kuwaasi oo iminka aan la ogeyn qasaaraha rasmiyan ah ee kasoo gaaray ciidamada gumeysiga ee la weeraray.

Ciidamada gumeysiga Ethiopian-ka ee laweereray ayaa la sheegayaa in ay weli heegan ku jiraan iyagoo ka baqanaya weeraro kale oo dheeraad ah mana jiraan wax dhaq dhaqaaqyo ah oo ay sameynayaan marka laga reebo Madaafiic jawaab ah oo ay xaafadaha rayidka ku ridayaan.

In ka badan sadex qofood oo rayid ah ayaa dhaawacyo ka soo gaareen duqeymo jawaab ahaa oo ay askarta gumeysiga Ethiopian-ka ka geysteen qaybo ka mida xaafadaha hoostaga degmadaasi Huruwaay ee Magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada dadka rayidka ah saaka gaaray ayaa la sheegay in ay badi yihiin Haween iyo Caruur waxyeelo ba’ani ay ka soo gaartay duqeynta Ethiopian-ka xili ay ku sugnaayeen guryahooda, qaarkood dhawacyada shacabka ayaa iminka loo sii wadaa Ispitaalada Muqdisho.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in khasaaruhu intaasi ka sii badan yahay kadib markii meelo dhowr ah laga soo sheegay in ay ku dhaceen tiro madaafiicda culculus.

SomaiSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: