Dagaalo xoogan ayaa xiligaan ka soconaya Agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodan oo fariisin u aheyd Maleeshiyaadka dowlada KMG ah.

Wadada Taraboonka

Halkaan ka akhri

Dagaal la isku adeegsanayo madaafiicda iyo rasaasta oo si weyn looga maqlayo qeeybaha kala duwana ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu Tarabuunka ku dhex marayaa Maleeshiyaadka dowlada KMG iyo Xoogaga Maxkamadaha Soomaaliyeed.

Madaafiicda iyo Qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa waxaa ay yihiin kuwa la isku weydaarsanayo dagaalkaasi mana cada weli qasaaraha ka dhashay dagaalkasi iyo waxa uu ku biloowday waloow halka uu dagaalku ka dhacayo ay fariisn u tahay Maleeshiyaadka dowlada KMG.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalamaya ee Maleeshiyaadka dowlada KMG iyo Xoogaga ka soo hor jeeda ee Maxaakiimta Islaamka oo la xiriira dagaalkasi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: