Dagaal Qaraar oo la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka soconaya degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Xoogagga Muqaawamada

Halkaan ka akhri

Dagaal Qaraar oo la isku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka soconaya degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya Maleeshiyaadka dowlada iyo Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka soconayaa meel duleedka ka ah degmada Bardaale ee gobolka Bay kaasi oo si weyn looga maqalayo hubka la isku adeegsanayo degmada Bardaale gudaheeda waxaana dadka ku nool degmadaasi ay ka cabsi qabaan in dagaalka uu gudaha degmada ku soo fido.

Wararka laga helayo demada Bardaale ayaa sheegaya in dagaalkasi uu u dhexeeyo Maleeshiyaadka dowlada ee dhawaanahan lagu soo tababarayay dalka Ethiopia ee ku soo fool lahaa magaalada Baydhabo iyo xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed ee degmadaasi iyo hareeraheeda ku sugnaa.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaalkasi ka dhashay waloow ay labada dhican isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan isla markaan si weyn looga maqalayo dhamaan deegaanada hoos taga degmada Bardaale ee gobolka Bay.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: