Ciidamo Careysan oo ka tirsan Dowladda KMG ah oo isku dhiibay Xoogaga Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya

Ciidamo Is-dhiibay

Halkaan ka akhri

Warar aan ka helnay maanta magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay Dowladda KMG Soomaaliya ay ka soo baxsadeen Ciidamo ka tirsan ilaalada Taliya K/xigeenka Nabad Sugidda Gobalka Banaadir Nuur Daqle  waxaana la sheegay.inay ku biiray Xoogaga Maxkamadaha islaamka Soomaaliya

Sida aan warku ku helnay Saaka aroortii ayaa Xaafadda Siisii degmada Kaaraan ka baxsadeen Ciidamadan ka tirsanaay Dowladda KMG Soomaaliya waxayna la baxsadeen Gaadiid iyo hub aad ufarabadan oo ay lahayd Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Balse warar la rumeysan karo ayaa xaqiijinayo in ilaa iyo 6-Askari oo ku hubaysan 6-Qori ay gaareen Deegaanka Biya Cadde ee gobalka Sh/dhexe halkaas oo ay kula wareegeen Ciidamada Maxkamadaha islaamka Soomaaliya.

Ha yeeshee Ciidamadan isdhiibay waxay si gaar ah uga tirsanaayeen Ciidamada Gaarka ah ee Nuur Daqle oo Xobin ka ahaay Isbahaysigii ladagaalanka Argagaxisada ee la fashiliyay.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Khilaaf xoogan uu soo kala dhaxgalay Nuur Daqle iyo Maareeyaha Dekadda Muqdisho Cabdi Jiinoow oo lahaa Gaarigii ay la baxasadeen Ciidamada Dowladda.

Si kasta ha ahaatee ma ahan markii ugu horaysay oo ay isdhiibaan Ciidamada Dowladda oo aan awoodin in ay u babac dhigaan Xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed, ilaa iyo hadda wax War ah kama soo bixin Nuur Daqle Taliye K/xigeenka Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: