Sadex Nin oo Basaasiin ah oo Maanta ay xoogagga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ku qabteen Magaalada Baladweyne.

Xoogagga Maxaakiimta

Halkaan ka akhri

Illaa 3 Nin oo sida la sheegay looga shakiyay in ay ahayeen Basaasin (Dabaqoodheyaal) ah ayaa Maanta waxaa gudaha Magaalada Baladweyne ku qabtay Xoogaga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

Sadexdan Nin ayaa la xaqiijiyay in aysan kamid aheyn dadka deegaanka ah ee Reer Baladweyne waxaana loo Taxaabay Saldhiga Poliska oo xiligan ay ku sugan yihiin Xogagga Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.

 

Ma jirtaan wax war ah oo faahfaahsan oo ka soo baxay Masuuliyiinta Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo sheegaya waxa ay damacsanaayeen Ragan Gacanta lagu dhigay, inkastoo la sheegay in ay baaritaan kusocdaan dibna loo soo sheegi doono waxa ay damacsanaayeen raggan iyo cidii soo dirsatayba.

Xoogaga Maxkamadaha ayaa mudooyinkii ugu dambeyay waxaa ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ay kula soconayaa dadka fidna wada yaasha ah ama Dabaqoodhayaasha lays dhihi karo waxaa ay doonayaan in ay ka Abuuraan Magaalada Xaalado Fowdo ah.

 

SomaliSwiss Baladweyne

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: