Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo ku cambaareeyey ciidamada gumeysiga Ethiopia xasuuqii ay ka geesteen deegaanka Dayniile.

War Saxaafadeed

Halkaan ka akhri

Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay isla markaana ku tilmaamay xasuuq aad u fool xun falal ay shalay ciidamada gumeysiga Ethopia iyo kuwa dowladda KMG ah ka geysteen deegaanka Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Isbaheysiga ayaa xusay in xasuuqaas uu ka hor imaanayo heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Jabuuti bishii hore ee Jun 2008.

“Isbahaysigu wuxuu kaloo beesha caalamka ugu baaqayaa in ay kaalintooda ka soo baxaan, islamarkaana cadaadis ku saarto dawladda Ethiopia in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo gudaha Soomaaliya, caddaaladdana la horkeeno kuwo gumaadka geysanaaya”. ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu soo saaray madaxa warfaafinta Isbhayeysiga.

“Wuxuu Isbahaysigu si cod dheer ah kor ugu dhawaaqayaa in xalka ummadda Soomaaliyeed uu ku jiro sidii lagu heshiiyay oo ah in ciidanka gumeysiga Ethiopia uu Soomaaliya ka baxo, shacabka Soomaaliyeedna ay aayahooda ka tashadaan”.

“Xasuuqyada la geysanaayo iyadoo la wado dadaal nabadeed wuxuu astaan u yahay carqalad lagu sameynaayo hawlaha nabad raadinta Soomaaliya”. ayaa lagu yiri war saxaafadeedkaasi.

Isbaheysiga sidoo kale waxaa uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay in ay dalkeeda dhisato oo aayeheeda katashato, sidaa daraadeed waa in ay ciidamada gumeysiga Ethiopia isaga baxaan Soomaalia, maadaama Shacabka Soomaaliyeed uusan rabin gumeysi Madow iyo mid cad toona.

SomaliSwiss Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: