Baaritaano, qafaalasho oo keenay barakac aad u ballaaran oo ka socdo nawaaxiga degmada dayniile ee Gobolka Banaadir.

Degmada Dayniile

Halkaan ka akhri

Baaritaano iyo Qafaalasho oo keenay barakac aad u ballaaran ayaa ka socdo maanta ilaa shalay Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, falkan lagu waxyeeleynayo dadka deggan deegaanka ayaa waxaa si wada jira u fulinaya Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa loo yaqaano Copy-ga Ethiopia.

Hase ahaatee qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo badani ay isku fidiyeen qeybo ka mid ah Xaafada dayniile isla markaana dadkii deganaa xaafadahaasi bilaabeen in ay isaga barakacaan guryahooda. 

Balse Ciidamada Copy-ga Ethiopia ayaa la sheegayaa in ay Dhac iyo kufsi ka geysteen degmada dayniile, gaar ahaan Xaafada “Bangala”, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in Ciidamaas ay jabsaden, boobeenna Farmashi ku yaalay xaafadaasi, kana qaateen Dawooyinkii yaalay iyo Lacag dhowr milyan ah. 

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qayb ka mid ah Ciidamadan ay isku fidiyeen Xaafada Raadeelka oo ay shalay ku dileen 11 qof, Isgoyska Dayniile iyo Isgoyska Kuliyadda Ciidamadii hore ee Jaalle siyaad ee Magaalada Muqdisho. 

Hase yeeshee lama oga illaa iyo hadda ujeedada rasmiga ah ee ay ciidamadani u bartilmaameydsanayaan Degmada Dayniile oo ah meel ay u barakaceen qayb ka mid ah dadkii ka barakacay degmooyin kale ee magaalada Muqdisho. 

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: