Shirkii ka socday dalka Yemen ee lagu dhex dhexaadinayay xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo heshiis isku soo dhawaansho ah laga gaaray.

Isbaheysiga D. U Xoreynta

Halkaan ka akhri

Shirkii ka socday dalka Yemen ee lagu dhex dhexaadinayay xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo heshiis isku soo dhawaansho ah laga gaaray.

Zakariya Xaaji Maxmuud Cabdi oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Isbahaysiga Dib u xoraynta ayaa shaaca ka qaaday in isku soo dhawaansho laga gaaray shirkii garabyada Isbahaysiga dib u xoraynta uga socday dalka Yemen gaar ahaan Magaalada Sanca.
Qeybaha Isbaheysiga eek u shirsan magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen ayaa la sheegayaa inay gaareen isfaham horudhac ah xubnaha garabyada Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ee maalmihii ugu dambeeyey lagu dhexdhexaadinayay dalka Yemen.

Dhinacyada Isbaheysiga halkaasi ku shirsan ayaa waxaa kala hogaaminaaya Gudoomiyaha Isbahayisga dib u xoteynta Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Prof. Cumar Iimaan oo isna hogaaminaya Garabka saldhigoodu yahay magaalada Asmara, waxaana xubnahan dhexdhexaadinta ka dhexwadey maalmihii ugu dambeeyey dawlada Yemen, duqey Soomali ah, Ganacsato, Culimaa’udiin iyo dad qurbo joog ah kuwaasi oo iskood isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan xubanaha garabyada uu u kala jabay Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.

Xubnahaan ku shirsan dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in maalinimadii shaley ay gaareen isfaham hor u dhac ah, kaasi oo sida muuqata la diidan yahay in saxaafada laga siiyo xog la xiriirta qodabadii laga heshiiyay.

Waxgaradka isku howlay in ay dhameeyaan khilaafka Isbahaysiga ayaa la sheegayaa inuu ka mid yahay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar cadaan oo horay isagu u kaalmayn jiray Golihii Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

 

SomaliSwiss Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: