Sargaal ka tirsan WFP oo lagu magacaabi jiray Cali Baashi ayaa maanta kooxa hubeysan ay ku dileen deegaanka KM13.

//www.un.org/radio/photo/full/wfp-somalia.jpg” cannot be displayed, because it contains errors.

Hay’adda WFP

Halkaan ka akhri

  • Sargaal ka tirsan Hay’adda WFP oo maanta raashin ka qeybinayay deegaanka KM13 oo ay ku sugan yihiin qoysas ka barakacay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ayaa maanta halkaasi kooxo hubeysan ay ku toogteen.

  • Sargaalkan oo lagu magacaabo Cali Baashi ayaa waxa toogtay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah sadex nin oo bastoolado watay xili uu kusuganaa deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho.

  • Kooxaha dilkan u gaystay ayaa baxsaday, iyadoo aysan jirin cid isku howshay in ay soo qabato waxana falkaasi uu ar gagax wayn galiyay dadka deegaankaasi oo safaf dhaadheer ugu jiray raashin ay qeybinaysay Hay’adda WFP.

  • Sargaalkan ayaa waxaa la sheegayaa in dhowr xabadood lagu dhuftay waxaana lagu soo waramayaa inuu u geeriyooday  xabadihii lala dhacay.

  • Todoobaadkii hore ayay ahayd markii madaxii Hay’adda Hormarinta mashaariicda qaramada Midoobay ee UNDP Osman Ali Ahmed kooxo hubeysan ay ku toogteen xaafada Buulaxuubey ee Magaalada Muqdisho xili uu ka soo baxay saaladii Cishaha Masjid kuyaala xaafadaasi.

  • SomaliSwiss Muqdisho

%d bloggers like this: