Saalax Muumin Muuse oo ahaa Guddoomiyihii ugu dambeeyey ee dowladda KMG u soo magacaawday Gobolka Hiiraan oo maanta ku dhawaaqay inuu Is casilay.

Magaalada Beledweyne

Halkaan ka akhri

Gudoomiyihii ay dhowaantan Dowkadda KMG ah u soo magacaabday Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan Saalax Mumin Muuse ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Guddoomiyennimo ee u hayay Dowladda KMG ah, ka dib markii uu la tashaday Waalidiintiis iyo dad uu ku sheegay eheladiis. 

Hase ahaatee Saalax Mumin oo haatan uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne ayaa si caddaan ah u sheegay inuu iska casilay Jagaadaas, ka dib markii ay soo gaareen fariimo Hanjabaad ah  ee uga timid dhinaca Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Beledweyne Xarunta Gobolka Hiiraan. 

Saalax Mumin ayaa warbaahinta Baladweyne u sheegay in ay shaqsi ahaan ku dhalatay inuu isaga tago xilkan ka dib markii uu wadi waayay isla markaana aysan jirin meel uu ka shaqeeyo.

Si kasta ha ahaatee waxaa sidoo kale dhawaantan is casileen Mars’uulin badan oo ay dowladda KMG ah u soo magacaabday maamulada kala duwan ee gobolka Hiiraan, hase yeeshee kii ugu dambeeyey oo is casila ayaa ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hiiraan ay Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Itoobiya u soo magacowday. 

SomaliSwiss  Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com  

%d bloggers like this: