Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Nuur Cade oo mar kale ku baaqay in dadweynaha Soomaaliyeed ay usoo jeestaan sidii loo Nabadayn lahaa dalkooda Soomaaliya.

SomaliPM

RW. Nuur Cade

Halkaan ka akhri

  • Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo isagoo kusugan Magaalada HUGUE ee dalka Holland la hadlay wakaalada wararka AFP ayuu ugu baaqay dhamaan Soomaalida iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah in ay taageeraan heshiiska Bil jirsaday ee Dowladda iyo Mucaaradku dhowaan kuwada galee dalka Djibouti.

  • Wuxuuna ku adkeystay Ra’isal wasaare Nuur Cade in ay suurtagal tahay nabad laga gaaro dhibaatada colaada Sokeeye  ee 18-ka sano ka jirtay dalka Somalia.

  • Suxufiyiin ku sugan Magaalada Hugue oo su’aalo waydiiyay Ra’isal wasaare Nuur Cadde oo xiligaasi kulan la qaadanayay Wasiirka Kaalmada Holland Mr. Bert Koenders, ayuu   sheegay in ay jirto rajo wanaasgan oo lafilayo inay soo gunaanado mashaakilka 18-ka sano ka taaganaa dalka Somalia isagoo intaa ku daray inay muhiim tahay in dhamaan Soomaalidu ay isku raacaan heshiiskii 9-kii bishii June lagu gaaray dalka Jabuuti kaasoo ay qaban qaabisay Qaramada Midoobay.

  • Nabad in ay ka dhalato Soomaaliya waa suurtagal hadii Dowladda KMG ah, Hogaamiyaasha Culuma Udiinka, kuwa dhaqanka iyo qurba joogta Soomaaliyeed ay door isku mid ah ka ciyaaraan sidii nabad waarta Soomaaliya loogu soo celin lahaa”. ayuu yiri Ra’isal wasaare Nuur Cadde.

  • Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo  la weydiiyay caqabadaha  hor-taagan in la  kaalmeyo dad badan oo ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa uu qirtay in deganaasho la’aan iyo dilal ay ka dhacayaan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayna sii adkeeyeen in gargaar la gaarsiiyo dadka u baahan.

  • Waa markii labaad oo uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ugu baaqo dhinacyada Dowladdiisa KMG ah ka soo horjeeda in ay la qaataan heshiiskii ay Jibouti ku gaareen Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, dhawaan ayay ahayd markii uu baaq kan la mid ah uu u jeediyay dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda KMG ah iyo joogitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

  • SomaliSwiss Muqdisho

%d bloggers like this: