Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga ayaa weerar Madaafiic Hoobiyeyaal ah ku garaacay Fariisimaha ciidamada gumeysiga Ethiopia ee Jante-Kundisho.

https://i0.wp.com/www.soomaaligalbeed.com/images/hoobiye1.jpg

Xoogagga Maxkamadaha

Halkaan ka akhri

Ciidamada Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee ka hawl-gala Gobolka Hiiraan ayaa galabta waxay madaafiic nooca Hoobiyaha loo yaqaano ku weerareen fariisinka ay ciidamada gumaysiga Ethiopia ku leeyihiin Buurta Jenta-kundisho (KM 115) ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa Jaamacadda Hiiraan ee ku taala meel ku dhaw Fariisinka Ethiopian-ka ayaa sheegay in ay gudaha xerada gumaysiga ku dhaceen 8 madfac kuwaas oo gilgilay goobta ay ku dhaceen halka 2 madfac oo kale ay ku dhaceen meel ku dhaw Jaamacadda. 

Lama garanao ilaa iyo hadda khasaaraha soo gaaray ciidamada gumaysiga Ethiopia ee fariisinka ka samaystay duleedka Magaalada Baladweyne mana jiraan wax khasaara ah oo soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan nawaaxiga buurta Jenta-kundisho (115). 

Ciidamada gumaysiga Ethiopia ayaa la sheegay in ay ku jawaabeen Madaafiic ay la beegsadeen Buuraha ku hareeraysan Janta kundiso waxayna isku fidiyeen dhulka ku xeeran fariisinkooda waxayna wali ku sugan yihiin goobihii ay galabta ku faafeen. 

Ciidamada gumaysiga Ethiopia ayaa hakad geliyay dhaq dhaqaaqii wadada halbawlaha ah ee isku xirta Gobolada Waqooyi, Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana jira gaadiid aad u fara badan oo ku kala horan tuulada Ceel-gaal iyo magaalada Baladweyne.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: