Mudane katirsan Baarlamaanka KMG ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uusan ka jirin wax Maamul dowladeed ah oo ka shaqeeya.

Baarlamaanka KMG

Halkaan ka akhri

Mudane katirsan Baarlamaanka KMG  ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uusan ka jirin wax Maamul dowladeed ah oo ka  shaqeeya,  isagoo awood la’aanta Milateriga haysata sheegay in uu kadanbeeyo Madaxwaynaha Dowlada KMG.

 

Yuusuf Maxamed Qeyre oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin wax Dowlad layiraahdo oo ka shaqeysa dalka Soomaaliya isaga oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in dalka Xiligaan aysan ka jirin wax Xukuumad layiraahdo.

Mudanaha ayaa waxa uu sheegay in Dowladu ay awood uleedahey in ay waxkasta kahortagto balse uu Ku dhagan yahey Madaxwaynaha Dowlada KMG C/llaahi Yusuf isagoo intaa raaciyey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya in Cuna qabateen lagu hayo oo ayna si dhab ah waajibaadkooda u gudan karin.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalmahaan ku sugnaa Xilibaano aad u fara badan iyago baryihii ugu danbeeyey kusoo Qulqulayey Magalaada Baydhabo wallow ay jirto in la isugu yeeray Xilibaanada oo dhan in ay Baydhabo yimaadaan.

Xilibaanka ayaa waxaa uu sheegay Ciidamada hada kusugan Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ee ilaalada ka ah fariisimada dowlada KMG iyo Xerooyinka ay leedahey Dowlada in ay yihin Malayshiyaad ka amar qaata dad gaar ah oo aysan hoostagin maamulka Gaashandhiga Dowlada iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliya.

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu kusoo Beegmayaa xili goobaha ay dowlada ku xoogan yihiin ee magaalooyinka Baydhabo weeraro xoogan ay ku qaadayan Xoogaga Maxaakiimta Islaamka iyadoo fariisimo badan oo ay leeyihiinna laga qabsaday inta badan.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: