Midowga Africa ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in cunaqabateyn lala beegsado shakhsiyaadka iyo dhinacyada is-hortaaga habsami u socodka hannaanka nabadda ee Soomaaliya.

Shirweynaha ururka Midowga Africa

Midowga Afrika

Halkaan ka akhri

   
Shirweynaha ururka Midowga Africa

Bil kaddib markii ay dhinacyada Soomaalidu heshiis ku gaareen dalka Djibouti, ururka Midowga Africa ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in cunaqabateyn lala beegsado shakhsiyaadka iyo dhinacyada is-hortaaga habsami u socodka hannaanka nabadda ee Soomaaliya.

Baaqa kasoo yeeray Golaha Ammaanka ee Midowga Africa, waa mid ay ku doonayaan in farriin culus ugu diraan dhinacyada iyo shakhsiyaadka aan ka qayb qaadan heshiiskii Djibouti.

Nooca xayiraadaha

Midowga Africa ma caddeyn nooca ay noqon karaan xannibaadaha lagu soo rogi karo dhinacyada ku gacan seyray heshiiska Djibouti. Laakiin waxaa laga tusaale qaadan karaa dalal kale, oo shakhsiyaad ka biyo diiday heshiisyo caalami xayiraado kala duwan lagu soo rogay.

Waxaa xayiraadahaas kamid ah kuwa xagga socdaalka ah, iyo kuwa dhaqaalaha ah, oo isugu jira xannibidda keyd dhaqaale oo shakhsiyaadkaas ama dhinacyadaas ay ku leeyihiin dalalka dibadda.

Lama hubo in Qaramada Midoobay ay u dhaga nuglaan doonto baaqan, waxaase laga dheehan karaa inuu Midowga Africa doonayo inuu xanaf u yeelo heshiiskii Djibouti. War saxaafadeedka Midowga Africa waxaa lagu sheegay in xabbad joojintii ku qorneyd heshiiska Djibouti, oo dhigeysay in 30-maalmood kaddib xabbadda la hakiyo, ay dhaqan galeysay Arbacadii shalay aheyd.

Heshiiska Djibouti

Laakiin xilliga uu dhab ahaan dhaqan galayo heshiiska Djibouti mugdi weyn ayaa ku jira. Diblomaasi reer galbeed ah oo ka howlgala xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ayaa ii sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay rumeysan yihiin in aan heshiiskii Djibouti si rasmi ah loo saxiixin, balse la’isku afgartay oo kaliya.

Diblomaasigaas oo ka gaabsaday in magiciisa la baahiyo, ayaa intaas raaciyey in saxiixa heshiiskaas lagu wado inuu ka dhoco magaalada barakeysan ee Makkah.

Taas ayaa heshiiska Djibouti ka dhigeysa is-afgarad qabyo ah, illaa madaxda dhinacyadu ay qalinka ku duugaan. Qalin ku duugiddaas ayaa lagu waday inay dhacdo dabayaaqadii bishii hore. Waxaana dib loogu dhigay dhowr qodob, sida uu diblomaasiga reer galbeedka ah ii sheegay.

Khilaafka Isbaheysiga

Waa marka horee waxaa la doonayaa buu yiri in Isbaheysiga Dibu-Xoreynta la siiyo muddo ay kusoo xalliyaan xurguf iyaga ka dhex alsoosan.

Wafdi ballaaran oo uu horkacayo Sh. Shariif Sh. Axmed, guddoomiyaha Isbaheysiga, ayaa imminkaba wada hadallo noocaas ah u jooga dalka Yemen.

Kaalinta ciidanka caalamiga ah

Qodobka labaad wuxuu yahay in dhinacyadu ay isla meel dhigaan kaalinta ay yeelanayaan ciidamada caalamiga ah ee heshiiska Djibouti ku cad, ee la doonayo in kuwa Itoobiya lagu beddelo.

Ma waxay yeelan doonaan kaalin nabad-ilaalin, mise kaalin nabad-curin. Jawaabta su’aashaas waxaa isla meel dhigi doona guddiyo isku dhaf ah oo ay dowladda KMG ah iyo Isbaheysigu magacaabi doonaan, wixii ka dambeeya saxiixa Makkah.

Diblomaasiga reer galbeedka ah ayaa ii sheegay inaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laga fili karin inuu ansixiyo ciidammada caalamiga ah, inta laga caddeynayo kaalintooda.

SomaliSwiss BBCSomali

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: