Hay’adda MSF-Swiss oo isaga baxday dhulka Soomaali Galbeed, kadib markii ay ka shaqeyn weysay ciidamada gumeysiga Ethiopia.

//www.msf.org/source/countries/africa/ethiopia/2008/42382.jpg” cannot be displayed, because it contains errors.

Hay’adda MSF-Swiss

Halkaan ka akhri

Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn (MSF-Swiss) ee ka hawlgasha gobolka Soomaali Galbeed ee ku jira gacanta gumaysiga Ethiopia ayaa warsaxaafadeed ay maanta ka soo saartay Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ku sheegtay in ay joojisay dhamaan adeegyadii caafimaad ee ay ka waday G/Somali Galbeed. 

Hay’adda MSF-Swiss ayaa waxay warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in ay laashay dhamaan dhaq- dhaqaaqyadii caafimaad ee ay ka waday gobolka gaar ahaan gobolka Fiiq ay si kama danbays ah u joojisay ayada oo sababaha ku micnaysay xad gudubyo tira badan oo ay shaqaalahoodu kala kulmeen ciidamada gumaysiga Ethiopia ee ku sugan gobolka.

MSF ayaa sheegtay in ay shaqaalaheedii ku amartay in ay soo xiraan xafiisyadoodii iyo goobihii caafimaadka ee ay ka hawl-galayeen ayada oo ay jirto baahi xad-dhaaf ah oo ay qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka S/Galbeed. 

Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF-Swiss ayaa war saxafadeedkeeda ku sheegtay in shaqaalohooda ay dhibaatooyin si toos ah ugu gaysteen ciidamada gumeysiga Ethiopia, falalkaas oo ay ka mid yihiin caga juglayn, hanjabaad iyo xarig xilliyada ay gudanayaan hawlahooda gar-gaarka bani-aadami nimo oo dadka deegaanku ay aad ugu baahi qabaan. 

Hay’adda ayaa sheegtay in shaqaalaha ay halkaa ka soo saartay ay isugu jiraan dad ajnabi ah oo u dhashay dalalka Yurub iyo kuwo kale oo deegaanka ah waxayna sheegtay in ay shaqaalahaasu dareemeen khatar uga soo fool leh dhinaca ciidamada gumeysiga Ethiopia. 

Dawladda Ethiopia ayaa sidoo kale iska fogaysay eedeyntaasi waxayna ku sheegtay in ay arrintaasi tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, waa sida ay hadalka udhigeene, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka gobolka ee u adeega gumayiga haysta dhulkaasi.

G/Soomaali galbeed ayaa waxaa uu ku jiraa gacanta gumeysiga Ethiopia muddo qarni ka badan dadka Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqana ma helaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah bani- aadamka sida Amniga, Cunada, Caafimaadka, Waxbarashada iyo waxyaabaha kale ee daruuriga u ah nolosha bani-aadamka, iyadoo dadka Shacabka Soomaali Galbeed ay intaasi u dheer tahay Dil, Kufsi, Xarig, Dhac, iyo dhibaatooyin intaasi kabadan.

Gobolka Soomaali Galbeed ayaa waxa uu hoos tagaa xukun milatari tan iyo markii uu qabsaday gumaysiga.

SomaliSwiss Geneva

 

 

 

 

SomaliSwiss@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: