Guddiga Doorooshinka Somaliland oo shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashooyinka Madaxtinimada iyo waqtiga is diiwaangelinta axsaabta Somaliland.

Soomaaliland

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo laga sugayo inuu soo saaro war uu ku aqbalayo go’aanka Guddiga doorashooyinka.

War ka soo baxay Guddiga Doorooshooyinka maamulka Somaliland ayaa lagu shaaciyay xiliga sida rasmiga ah loo bilaabayo oo uu qabsoomayo doorooshiyinkii madaxtinimada Somaliland, waxayna soo bandhigeen jadwal qeexaya xiliga doorooshooyinka iyo kan is diiwaangelintaba.

Guddigaan ayaa waxay shaaciyeen in 29-March sanadka 2009-ka la qaban doono codbixinta doorashooyinka Madaxtinimada Somaliland waxayna guddiga doorashooyinka Somaliland ku shaaciyeen arintaan shir ka dhacay madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

Sidoo kale waxay shaaciyeen in is diiwaangelinta xisbiyada Somaliland ee sadexda ah ay bilaaaban doonto Bisha Oktoobar ee sanadkan 2008 kuna egtahay Bisha janaayo sanadka soo socda ee 2009-ka.

Sidoo kale wafdi ka socda dalalka deeq bixiyayaasha Caalamka oo ku sugan Magaalada hargeysa ayaa shalay ogolaaday qeyb ahaan in ay bixiyaan qarash ay ugu talo galeen doorashooynka Somaliland, kaasoo ay awal shuruud uga dhigeen in ay marka hore xisbiyada heshiiyaan isla markaana la shaaciyo waqtiga doorashooyinku dhacayaan ee rasmiga ah taasoo shalayba dhacday oo la shaaciyay waqtiga doorashada laqabanayo.

Sidoo kale Deeq bixiyaashan oo u badan Reer Yurub ayaa soo dhaweeyay qaabka ay wax u dhaceen, ugu danbeyntiina Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa laga sugayaa inuu soo saaro war uu ku ayidayo go’aanka guddiga doorashooyinka ee uu ku ansixinayo ama uu ku aqbalayo qaabka loo shaaciyay xiliga doorashada.

SomaliSwiss Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: