Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen illaa 22 Baabuur oo ay ka qabsadeen ciidamada Booliska dowladda KMG.

Xoogagga Mujaahidiinta

Halkaan ka akhri

Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii shalay ka bilowday nawaaxiga Garoonka Balidoogle ee Gobolka Shabeelada Hoose kaas oo dhexmaray Mujaahidiinta Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (JIS) oo ay iskaashanayaan kuwa Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed iyo Ciidamada dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia.

Sarkaal sare oo ka mid ah (JIS) oo ay warbaahinta la xiriirtay ayaa u xaqiijiyay in ay gacanta uga dhigeen ciidamadaasi 22 gaari oo isugu jira Candhameydlayaal, inatereeyo, UD, Basas oo ay saarnaayeen sahay kala duwan iyo shidaal fara badan.

Isla ilahaas ayaa intaa ku daray in gawaari kala duwan oo qaar ay yihiin Tikniko oo lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 8-9 ay baxsadeen kuwaas oo la sheegayo in ay gaareen deegaanka lego ee Gobolka Shabeelada Hoose markii ugu wardanbeysay.

Sarkaalka u hadlay (JIS) oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa ayaa yiri “Mujaahidiintu Dagaal culus ka dib alle SW waxa uu u suuro galiyay in ay cadowga kala haraan baabuur gaaraysa 22 oo ay ugu talo galeen in ay sahayna ku sii qaataan Ciidamo uu Gumeysiga Ethiopia soo tabo barayna ku soo daabulaan si ay colaad iyo xasuuq hor leh uga bilaabaan Magaalada Muqdisho, marka illaahay mahadii intii kale way carareen iyaga dhag aan la qabta lahayn 22 gawaarina mujaahidiintu gacanta ayuu alle u soo galiyay”.

Sidoo kale waxa uu sarkaalkaasi sheegay in aysan marna ogolaanayn wax uu ku tilmaamay cadowga illaahay iyo dabo dhilifyadiisa in ay si nabad ah ku maraan jidadka iyaga oo isaga kala gooshaya gobolada Dalka Soomaaliya waxaana uu yiri “marna uma ogolaanayno in gumeysiga iyo dabo dhilifkiisaba in ay iska dhex mushaaxaan jidadka isla markaana ay ciidamadooda iyo hogaamiyayaashooda si nabad ahi ku maraan wadadii ay doonaan, jid walba ayaan ugu jirnaa insha allaah wayna ka go ayaan in ay dhaq-dhaqaaq danbe sameeyaan”.

Mar aanu waydiinay sarkaalkaasi waxyeelada dhinacooda soo gaaray ayaa waxa uu noo xaqiijiyay in ay ka shahiideen dhinacooda 3 wiil 5 kalana ay ka dhaawacmeen Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda KMG ah oo la xiriira dagaalkan iyo gawaaridan gaaraysa 22 ee laga qabsaday.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu qabsaday Ciidamada dowladda KMG ah iyaga oo lugaynaya isla markaana meel danbe uga soo tagay gawaaridii ay wateen ka dibna sidaasi ay ku gudbisteen oo kaliya gawaarida Dagaalka iyo qaar kale oo aan la sheegi karin nooca ay ahaayeen ka dib Dagaal culus oo dhex maray labada dhinac.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Mujaahidiinta Islaamiga Soomaaliyeed weeraro dhabo gal ah ay kula beegsadaan Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya qeybo ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya, waxayna arintani ku soo beegmaysaa iyada oo dhawaan sidan oo kale weerar dhabo gal ahi lagula beegsaday deegaanka leego saraakiil ka mid ah dowladda KMG ah oo uu ku jiray Taliye ku xigeenkii Ciidamada Booliiska ee Magaalada Baydhabo.

SomaliSwiss Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: