Markab laga lahaa dalka Germany oo kooxo burcad badeed Soomaali ah ay ku heysteen xeebaha Soomaaliya oo la sii daayay maanta.

Markab lasii daayay

Halkaan ka akhri

Waxaa la sii daayay markab laga lahaa dalka Germany oo ay heeysteen kooxo burcad badeed Soomaali ah kuwaas oo ku heeystay xeebaha dalka Soomaaliya.

Kooxo burcad badeed Soomaali ah oo dhawaanahan heeystay markab laga lahaa wadanka Germany oo ay qabsadeen 30 May 2008 ayaa la sii daayay shalay maqribkii 08 July 2008-da kadib markii madax furasho la dhiibay.

Markabkani oo lagu magacaabo Lehmann Timber ayaa waxaa gacanka cadmeed lagu qabsaday 30 May 2008.

Shaqalaha markamkani ayaa waxaa ka mid ahaa Cabtan u dhashay wadanka Russia 4 qofood oo u dhashay wadanka Ukrain 1 u shashay wadanka Estonian iyo 9 u shashay wadanka Myanmar.

Kooxaha burcad badeeda ayaa la shegay in waqti kama danbeeys ah u qabteen kaasi oo ku ekaa 8-dii bishan oo shalay aheyd hadii aan madax furasho la siinin ay dili doonaa dhamaan shaqaalaha saaran markabkaasi.

Cabtanka markabkaasi ayaa waxaa uu sheegay isagoo la hadlayay qaraabadisa in kooxaha burcad badeeda ay xabado kor ugu ridayeen shaqaalaha taasi oo u muuqatay in ay ugu caga jugleeynayeen.

Lacagaha madaxfurashada loo siiyay kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaan la ogeyn waloow la heestayaasha ay sheegeen in kooxaha burcada ah ay tirsanayeen lacago fara badan waxaana ay horay kooxahaasi u dalbadeen lacag madax furasho ah oo gaareeysay $ 750,00 todobo boqol iyo kontan kun oo doolar.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu tiriyaa in ay qeyb ka yihiin xeebaha ugu ammaanka xun caalamka.

Q.M ayaa ku sheegtay guud ahaan Biyaha Geeska Afrika gaar ahaan kuwa Soomaaliya in ay yihiin meelaha Caalamka ugu khatarsan, waxaana ka dhacay sanadkan lagu jiro gudihiisa 26 fal oo lagu afduubay doonyo iyo maraakiib kala duwan.

 

SomaliSwiss Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: