Safiirka Soomaalida ee Moscow oo Ruushka ku Casumey Soo saaridda Macdanta Nukliyeerka Laga Sameeyo ee Soomaaliya…

Dr. M. M. Handule

Halkaan ka akhri

Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Ruushka ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Moscow, Jimcadii June 27, 2008, waxana uu ku sheegay in Soomaaliya ay rajayneyso in shirkadaha Ruushku ay ka qayb qaataan soo saaridda macdanta Yuraaniyamka (uranium), Batroolka iyo Gaaska Dabiiciga ah, sida ay werisey wakaaladda wararka u faafisa Ruushka ee RIA Novosti.


Dr. Mohamed Mohamud Handule, safiirka Soomaaliya u fadhiya Moscow
Isha: Sawirka: http://myafrica.ru/

“Maanta waxaan dheheynaa aan wada shaqayno. Soomaaliya waa dal qani ah, oo uu ku jiro kayda rasmiga ah (ugu badan) ee batroolka iyo gaaska dhulka Geeska Afrika,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Xandulle.

Waxa kale oo safiirku sheegay in sahaminta Yuraanimka laga sameeyey Soomaaliya xilligii Midowgii Soviet-ka (U.S.S.R).

“Soomaaliya waxay rumaysan tahay in soo saaridda Yuraaniyumka (Soomaaliya) uu khaas u yahay shirkadaha Ruushka, taas oo asaas looga dhigayo heshiiskii dawladeed ee dhex maray Soomaaliya iyo Ruushka,” ayuu yiri Xandule.

Safiirku waxa kale oo uu ka hadlay in Soomaaliya laga dhiso xarun laga hago hawada sare (space center). Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Xarun hawada sare ee Soomaaliya waxaa loo adeegsan karaa sida xarunta caalamiga ah ee hawada sare, waxaana xaruntaasi ay garab siineysa xarunta Baikonur,” ayuu yiri, waxana uu intaas ku daray: Waxaa xaruntaas laga diri karaa gantaallo xambaarsan aaladaha isgaarsiinta ee satellite-ka.

Baikonur waa xarun laga hago aaladaha hawada sare loo diro, waxaana sannadihii 1950-naadkii laga dhisay Kazakhstan. Markii uu burburay Midowgii Soviet kaddib dalka Kazakhstan waxa uu xaruntaas ka kireeyey Ruushka, heshiis ay kala saxiixdeen 1994. Saraakiisha Ruushku waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan adeegsiga xaruntaas laga diro aaladaha hawada sare ilaa 2050 oo ah waqtiga uu ku egyahay heshiiskaas lagaga kireeyey xarunta, sida ay werisey wakaalada RIA.

Hay’ada wararka ee ITAR-TASS waxay sheegtay in safiirka Soomaaliya u fadhiya Ruushka Maxamed Maxamuud Xandule, oo munaasabadda xorriya Soomaaliya awgeed shir jaraa’id ku qabtay Moscow, waxa uu sheegay in shirkadaha Ruushka xuquuq gaar ah ay u leeyihiin qoditaanka macdanta Yuraaniyumka ee Soomaaliya.

“Xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Muqdisho waa mid caado ahaan xoog leh oo waaqici ah,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray “Waxaan haysanaa fursad aad u weyn oo wada shaqayneed, gaar ahaan horumarinta khayraadka macdanta. Waxaan si firfircood hadda wada xaajood ugula jirnaa dhaw shirkadood oo Ruush ah, oo ay kamid tahay shirkadda Gazprom, waxaana gaarey qaddar natiijo. Soomaaliya waxay qani ku tahay Yuraaniyumka, taas oo ay hore u baareen shirkado Soviet iyo Ruush ah. Waxaan taageersanahay heshiiska, kaas oo shirkadaha Ruushka si gaar ah fursad ugu siinaya xuquuqda in ay baaraan Yuraaniyumka.”

Safiiriku waxa ka mahad celiyey in Ruushku ay June 10, ( 2008 ) $1 million oo doolar u qoondeeyey mucaawinada bini’aadaminimo ee dadweynaha Soomaaliyeed.

Waxa kale oo uu yiri in xaaladda Soomaaliya ay degeyso toddobaad kaddib marka la kala saxiixdo heshiiska cusub ee dhex maray dawladda iyo muqaawamada oo ay dhex dhexaadiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (QM), Ururka Carabta, Midowga Yurub iyo Ururka Islaamka. Qaraar Golaha Ammaanka ee QM oo cunaqabataynta ka qaadaya in hub laga iibiyo Soomaaliya, isla markaasna dalka la keeno nabad ilaaliyayaasha QM, waxay ka qayb qaadaneysaa xasiloonida, ayuu yiri safiirku, sida ay ku warrantay Itar-Tass.

Ma aha markii ugu horeysey ee safiirku uu dalka Ruushka ugu gacan haadiyo khayraadka Soomaaliya. Qoraal la faafiyey March 15, 2007 ayuu Maxamed Maxamuud Xandulle waxa uu sheegay in Soomaaliya ay Ruushka ku casumeyso ama siineyo macdanta Yuraaniyumka iyo dahabka. Waxaa xilligaas la weydiiyey su’aal ahayd: Midowgii Soofiyeeti ee Ruushka (USSR) iyo Soomaaliya ma waxay dhamaystireen heshiis ku saabsan macdanta uranium-ka?, Waxa uu kujawaabey “HAA, waxay arrintaasi dhacday sannadkii 1976 xilligaas oo la daah-furay kaydka Yuraaniyumka-dahabka.”

Safiirku waxa uu markaas waxa uu yiri: Hadda waxaan wada xaajood kula jirnaa Ruuska ku saabsan qodista Yuraaniyumka iyo dahabka. Taas waxaa dheer in shirkadda Zarubezhgeologia ay danayneyso baaritaanka batroolka iyo gaaska (Soomaaliya). Waxaa sidaas oo kale ku andacoonaya Canadian iyo dalal kale. Hadda waxaan ku hawlanay qorista sharciga kaas oo xallin doona dhammaan dhibaatooyinkaas.

Sidoo kale shir jaraa’id oo uu ku qabtay Moscow August 22, 2007 ayuu safiirku waxa uu yiri “Waxaan ku casumeynaa shirkadaha Batroolka iyo tamarta ee Ruushka in ay sida ugu xawliga badan uga qayb qaataan hawsha hadda ka socota Soomaaliya,” sida ay xilligaas werisey hay’adda wararka ee Interfax.

Taariikh: Xiriirkii Soviet-ka iyo Soomaaliya

Qorayaasha Adduunku waxay Soomaaliya ku tilmaamaan in aysan weli ka soo waaqsan jabkii ka soo gaarey dagaalkii 1977-1978 ee xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato. Soomaalida oo dagaalka aad ugu gacan saraysa ayaa Midowgii Soviet ee Ruushku waxa uu September 1977 bilaabay in uu taageero buuxda siiyo Itoobiya. Markaas ayaa Soomaalidu xiriirkii Dublamaasiyadeed u goysey Soviet-ka. Hubka iyo taageerada dhaqaale ka sokow, waxaa taariikhdu xustay in 1,500 oo Ruush ah oo lagu sheegay lataliyayaal ka socda Soviet-ka iyo 11,000 Cuban ah (ciidankii Fidel Castro – Saaxiibkii Itoobiya, cadowgii Somalia) waxay garab soo siiyeen ciidan la isku dumay oo Itoobiyaan ah oo gaarayey 50,000. Waxay iyagoo wada jira weerar cir iyo dhul ah kusoo qaadeen ciidamadii Soomaalida oo isugu jirey militariga iyo Jabhaddii Soomaali galbeed oo tiradoodu isku ahayd 20,000 oo ku sugnaa aagga Harar. Taangiyada iyo hubka kale Ruushka iyo Cuba iyo diyaaradaha waxay sababeen in Ciidankii Soomaaliya khasaare ba’ani soo gaarey, taas oo keentay in Maxamed Siyaad Barre uu March 9, 1978, amar ku bixiyey in Soomaaliya ay ka soo bexeyso dagaalka. Jabkaas, xilligaas soo gaarey Soomaalida, ayaa taariikhdu xustaa in uu ka soo bilowday dhibka Soomaalida haysta maanta (2008).

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: