Guddoomiyaha guddiga Warfaafinta golaha dhexe ee Isbaheysiga dib u xoreynta oo si kulul u cambaareeyey dilkii loo geystay Mas’uulkii hay’adda UNDP.

Saleebaan Colaad

Halkaan ka akhri

Waxaa Warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaaliduba soo gaaraya cambaareynta loo jeedinayaa dadkii ka dambeysay dilkii loogu geystay habeen hore ee magaalada Muqdisho sarkaal sare oo u shaqeynayay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hormarinta mashaariicda ee (UNDP) ayaa waxaa Maanta warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee Isbaheysiga dib u xoreynta Saleebaan Colaad Rooble oo ah Guddoomiyaha Gudiga warfaafinta iyo wacyi gelinta ee golaha dhexe oo si kulul loogu cambaareeyay falkaas foosha xun oo naxriis darrada ah ee loo geystay Madaxii hay’adda UNDP-da marxuum Cismaan Cali Axmed.“Waa wax aad looga noxo oo caqab ku noqon karta sidii beesha caalamka ay ugu soo gurman lahayd ummadda Soomaaliyeed ee tabaalaysan” ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble “Markii horey ayayba beesha caalamka ul booca ah ugu kutubaysay u gargaarida ummadda iyagoo ku andacoonayay ma jirto jawi aan ugu gurmano dadka kaalmada u baahan marka sow masii fogeynaynso falalka afduubka iyo dilalka ee lagu bartilmaamaysanayo dadka u adeegaya ummadda Soomaaliyeed.

 

Mudane Rooble ayaa wuxuu Ummadda u soo jeedinayey in la joojiyo isla markaana meel loogu soo wada jeesto badbaada shaqaalaha iyo masuuliyiinta hay ‘adaha samafalka si ummadu u hesho gargaar bani’aadaminimo dalkiina uu u noqdo mid ay ka howlgeli karaan shaqaalaha ha’addaha caalamiga ah” ayuu mar kale yiri Mr. Saleebaan.Ugu dambeyntiina Saleebaan waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehaladii iyo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo ugu duceeyey marxuumka inuu janadii ka waraabiyo.

Si kasta ha ahaatee waxaa bilahan dambe si weyn u soo badanaya guud ahaan dalka Soomaaliya falalka lagu dilayo, laguna afduubanayo saraakiisha iyo shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala dalka Soomaaliya, waxaana haatan ku jira gacmaha afduubayaal in ka badan 10 ruux oo ka howlgeli jiray xarumaha Hay’addaha caalamiga ah ee ka howlgala gobolada dalka Somalia.

 

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta
Isbaheysiga Dib u xoreynta Somalia
Saleebaan Colaad Rooble

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: