Dagaal xoogan oo wadada loogu galay ciidamada dowladda KMG oo galabta ka dhacay inta u dhaxeysa Buundada Kaba Harig illaa garoonka Balidoogle ee gobolka Sh/hoose.

Xoogagga Maxaakiimta

Halkaan ka akhri

Abaarihii 18:00 Makhribnimo ayay Mujaahidiinta Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed (JABISO) iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed weerar dhabo gal ah kula beegsadeen kolonyo gawaari ah oo ay wateen Ciidamada dowladda KMG ah inta u dhaxeysa jiirada Buundada Kaba Harig illaa Garoonka Balidoogle ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalkan oo socday in ka badan hal saac iyo bar ayaa la sheegayaa in ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan isla markaana ahaa mid aan si kala go’ laheyn u socday in kastoo xiligani uu yara qaboobay.

Ciidamada dhaxda loo galay ayaa abaare 14:00 Duhurnimo ka baxay Madaxtooyada villa Soomaaliya iyaga oo watay 8 gawaari oo 3 ka mid ah ay ahaayeen baabuurta loo yaqaano “Candho maydlaha” oo 2 ka mid ahi ay kala saarnaayeen qoryaha loo yaqaano Zuuga iyo shilkaha, halka Shanta gawaari ee kale ay wada ahaayeen Cabdi Bilayaal isla markaana ay dhamaantood ku buufsanaayeen midabka cagaaran ee sy lahaan jireen Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ujeedada ciidamadan ayaa lagu sheegay in ay u socdeen in ay soo qaadaan Ciidamo tabo bar ku soo dhameystay gudaha dalka Ethiopia kuwaasoo xiligan ku sugan Magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in markii hore uu dagaal ku qabsaday halka lagu magacaabo “kalawareega” deegaanka warmaxan ee Degmada Afgoye ee gobolka Shabeelada Hoose kadibna Makhribadii uu dagaalkani ku qabsaday Nawaaxiga garoonka Balidoogle kaas oo wali la isku hor fadhiyo.

Lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi dhabo galka ah xiliga oo habeen ah iyo khadka isgaarsiinta goobta oo xun awgeed, balse waxaa la filayaa in ay jiraan khasaarooyin naf iyo maalba leh.

Labada ciidan ayaa isku gabal dhacsaday caawa waxaana la sheegayaa in Ciidamada dowladda KMG ah ay wali halkoodii ku sugan yihiin isla markaana la sheegayo in 2 gawaari ay waxyeelo ka gaartay.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalmahan danbe ay ka socdaan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliyeed weeraro dhabo gal ah oo ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed uga hor istaagayaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya in ay dhaq-dhaqaaq ka sameeyaan gobolada dalka isla markaana si nabad ahi isaga kala gooshaan gobolada Dalka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalkan dib ayaan idinkaga soo gubin doonaa insha allaah.

SomaliSwiss Daafeed

 

%d bloggers like this: