Afhayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka warbixiyey Weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday Fariisimaha Dowladda iyo Ciidamada Huwanta ah ee magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo

Halkaan ka akhri

Afahayeenka Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa  saaka Shir Jaraa’id u qabtay warbaahinta gudaha iyo dibedda dalka Soomaaliya, wuxuuna ka hadlay dagaalkii qorshaysnaa ee ay xalay ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia ee Magaalada Baydhabo.

Sheikh Mukhtaar Roobow oo ka hadlayey dhacdadii  weerarka ahayd ee xalay saqdii Dhexe ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ka dambeeyeey Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxayna  weerar  ku qaadeen Xaruntii Saldhiga u ahayd Dowlad u yaalka ee  C/Laahi  Yuusuf ee taageerada ka haysta Ciidamada Tigreeda Meles Zenawi.

 

Abuu Mansuur wuxuu intaa ku daray in Mujaahidiintu ay Magaalada Baydhabo ay qeybo badan la wareegeen, balse Mujaahidiinta waxay meelahaas  ka filayeen jawaabta Ciidamada Cadowga, ha yeeshee  Ciidamadaasi way ka carareen goobahaas, ka dibna Mujaahidiintu waxay weerareen Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada taas oo Illaahay Cadowgiisa khasaaro ba’an uu ku gaaray ilaa iyo hadeer aagii uu u xiran yahay oo Dadkii u diidan yihiin in Jabkooda iyo Geeridooda la arko.” 

 

Sidoo kale Sheekh Mukhtaar ayaa ka hadlay Heshiiskii Djibouti ee la xiriiray Xabad Joojinta isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “waxaan u sheegaynaa Ilaahay Cadowgiisa aaway Xabad Joojintii aad gaarteen oo aad sheegayseen inay Hirgali doonto, Insha Allaahu ma hirgalayso, Xabad Joojina ma jirayso inta illaahay Cadowgiisa ay Dalkan Joogaan, insha allaahu xabadu ma joogsanayso”. 

 

Warkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xalay ay Dagaalo toos ah iyo Madaafiic Hoobiyayaal ahi ka dhaceen Magaalada Baydhabo isla markaana lagu dhaawacay xalay fiidkii Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Magaaladasi. 

 

Dhinaca kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ugu yaraan 15 hoobiye lagu garaacay Garoonka diyaaradaha Baydhabo oo ay deganyihiin ciidmada Gumeysiga Ethiopia iyada oo sidoo kale madaafiic aan tiradooda la garanayn lagu garaacay  Madaxtooyada Baydhabo .

 

Waxaa Sidoo kale weeraro toos ah qeybo ka mid ah gudaha Magaalada Baydhabo, gaar ahaan, Fariisinka warshadda Xasay oo ay degan yihiin Ciidamada Gumeysiga Ethiopia, Suuqa xoolaha iyo dhowr saldhig,waxaana halkaas  ku dhex maray dagaal culus Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo kaashanaya kuwa Dowladda KMG ah  oo aan wali si rasmi ahna loo sheegi Karin khasaaraha ka dhashay, balse waxaan muran ku jirin inay ku waxyeeloobeen Ciidamada Huwanta ah.

 

Si kasta ha ahaatee dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa iska fogeeyay in ay ku lug leeyihiin dilalka maalmahan danbe ka socda Magaalada Muqdisho isla markaana muujiyay in ay aad uga xunyihiin falalka lagu ugaarsanayo dadka adeegyada muhiimka ah u haya Bulshada Soomaaliyeed. 

 

Balse Afahayeenka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo saaka khadka taleefanka kula hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in falalka lagu dilay dadka wax garadka ahi ay ka danbeeyaan dad uu ku tilmaamay Cadowga Ilaahay , ha yeeshee wuxuu caddeeyey in Mujaahidiinta ay ka suurtoobaynin in ummadda ay u dagaalamayaan inay laayaan, balse ay wadaan sidii ay uga badbaadin lahaayeen cadowga ilaahay.

 

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: