Abuu Mansoor:- Cadowga Illaahay ayaa ka danbeeya dilalka qorshaysan ee lagu dabargoynayo dadka caawinaya dadka dhibaateysan.

Abuu Mansoor

Halkaan ka akhri

Dhaq-Dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa iska fogeeyay in ay ku lugleeyihiin dilalka maalmahan danbe ka socda Magaalada Muqdisho isla markaana muujiyay in ay aad uga xunyihiin falalka lagu ugaarsanayo dadka adeegyada muhiimka ah u haya Bulshada Soomaaliyeed.

Afahayeenka Al-Shabaab Sheikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo saaka khadka taleefanka kula hadlayay warbaahinta muqdisho ayaa sheegay in falalka lagu dilay dadka wax garadka ahi ay ka danbeeyaan dad uu ku tilmaamay Cadowga Illaahay

Abuu Mansoor isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “ dadka wax galka ah horeyna waan uga hadalnay hadana waan ka hadlaynaa saakana waan cadaynaynaa dhamaan Mujaahidiinta ma ka danbeeyaan mana ka suuroobayso Ummadda ay u dagaalamayaan in ay badbaadiyaan wax galkeeda in ay laayaan illaahay cadowgiisa ayaa laaya, iyaga ayaa ka danbeeya, ama dad kala oo iyagana dano gaar ah leh, ama qofkaa meeshaa uu ka shaqeynayo raba inay kala wareegaan oo iyaga ka shaqeeyaan ama mashruuc yar oo loo diiday u dagaalamaaya ayaa ka danbeeya, laakiin xataa kuwaas inay ka danbeeyaan uma haystee, waxaa ka danbeeya cadowga illaahay Ethiopian-ka iyo murtadiinta daba ordaya ayaa ka danbeeya, iyagana hadda ka hor meelahaas dad ka xir xiray hadda meesha UNDP-da aad sheegayso wakhti aan sidaas u fogayn iyagaa dad ka xir xiray oo waxyaabo ayaa ka dhex dhexeeyay, iyaga unbaa ka danbeeya aniga sida aan isleeyahay wallaahu aclam”.

Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maalmahan danbe ay Magaalada Muqdisho ka socdeen dilal ujeedo badan ah oo aan illaa iyo hadda la garanayn cida ka danbeysa kuwaas oo qaarkood lagu ugaarsanayay xubno bulshada adeegyo muhiim ah u hayay oo uu ka mid ahaa Sheekh Cabdi Kariim Gudoomiyihii Gudiga Taakulaynta Agoonta Soomaaliyeed.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: