Advertisements

Sakaal Sare ee Ciidamada Ethiopia u qaabilsan dhinaca Siyaasadda oo ku sugan Gobolka Hiiraan oo xalay Is-toohtay.

Sarkaal Is-toogtay

Halkaan ka akhri

War lagu soo qoray Shabakada Somalimirror ayaa wuxuu sheegaya in Sarkaalkii Dowlada Itoobiya ugu qaabilsanaa dhinaca Siyaasadda Gobolka Hiiraan uu xalay fiidkii istoogtay ka dib markii codsi uu u gudbiyay Dowlada Itoobiya ay ka aqbali waysay oo ku saabsanaa in Ciidamo gurmad ah loo soo diro ama meesha laga saaro sida ugu dhakhsiyaha badan. 

Warkan oo uu Wariyaha Shabakadda Somalimirror ee Gobolka Hiiraan ka helay xubno ka tirsan Maamulka Dowladda KMG ah u magacowday G/Hiiraan oo u cararay Fariisinka Janta kundisho ayaa sheegay in Sarkaalkaasi uu isku toogtay Bastoolad uu haystay ka dib markii uu la hadlay Dowlada Itoobiya oo uu ka codsaday in si deg deg ah gurmad loogu soo diro ama Ciidamada meesha si uun looga saaro taas oo loo malaynayo in ay dhag jalaq u siin waayeen. 

Hase ahaatee isla ilahaas ayaa intaa ku daray in xiliga uu isdilayay sarkaalkaasi ay warbixino siiyeen rag soomaali ah oo u sheegay in Mujaahidiinta Soomaaliyeed ay dhinac waliba kaga hareeraysan yihiin isla markaana ay isu diyaarinayaan in ay dagaal la galaan haddii ay wax dhaq-dhaqaaq ah sameeyaan, Biyo iyo Baadna laga jaro. 

Dhinaca kale sarkaalkan ayaa intii uusan istoogan waxa ay iskhilaafeen Taliyaha Ciidamada Janta kundisho ugu qaabilsanaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya. Waa markii ugu horeysay inta laga warhayo oo sarkaal sare oo ka mid ah Dowlada Ethiopia istoogto ka dib markii uu ku jahwareeray dagaalada isdaba jooga ah ee ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed goob kasta iyo wakhti kasta kula beegsanayaan gayiga Soomaaliya. 

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa la sheegayaa in ay niyo jab weyn u geysan karto Ciidamada Gumeysiga ee ku harsan Gobolka Hiiraan iyo guud ahaan gudaha Soomaaliya, waxaana ay arintani ku soo beegmaysaa iyada oo dhowr maalin ka hor ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed weeraro cul culus kula galeen Ciidamada Gumeysiga Itoobiya gobolada Gal-gaduud iyo Hiiraan kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen kuwii ugu kharaaraa uguna khasaarha badnaa Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.    

SomaliSwiss SomaliMirror

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: