Advertisements

SAACADIHII CADAABTA: Warbixin cusub ee la xiriirta, Duqeynbtii Magaalada Dhuusamareeb!!!

Saxaafiga Madaxbannaan

Daawo Sawir kale

Halkaan ka akhri

Waxaan halkan idinku soo gubinaynaa warbixin oo inoo soo diray saxafiga kaliya oo madax bannaan ee fursad u helay inuu soo booqdo magaalada Dhuusamareeb tan iyo markii ay diyaaradaha Mareykanka ay duqeeynta u geysteen, kuna dileen Mujaahidkii Shahiiday Marxuum Macalin Adan Xaashi Cayrow, sidaas darteed Suxufigan ayaa naga codsaday in aan ugu soo bandhigno Shacabka Soomaaliyeed Shabakada SomaliSwiss, waxa uu ku soo arkay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna qoraalkii ku billaabay sidatan.

Haddii dad badani ay maqleen uun, waxaa Dhuusamareeb lagu dilay hoggaamiyihii dhallinyaro diimeedka Alshabaab Aadam Xaashi Xirsi (Cayrow) Allah ha u naxariistee, waxaa jira arrimo badan oo u baahan in daaha laga rogo.

Deegaanka waxaa isu biirsaday Abaar, kuleyl, sicir barar, iyo cabsi ka dambeysay duqeyntii Mareykanka u geystay magaalada ee lagu dilay Aadan Cayrow.

Dhamaanba deeggaanku waa uu ka siman yahay dhibaatada abaarta, xoolihii noolaa dadkii farahooda waa ay ka baxeen, waxaana meel walba daadsan bakhti xoolaad oo la isku doo aruuriyey si deegaanka daaqsinka leh looga badbaadiyo inuu saameyn ku yeesho xilli roobaadka.

Arragtida muuqaalka xoolo u baqtiyey oon iyo gaajo ma ahan mid la yaableh, xitaa hadaadan baqtiga isha saaran wuxuu qof walbaa ku dareemi karayaa urka meel walba heehaabaya ee ku dareensiinaya in aysan jirin meel ka badbaaday abaarta.

Dadku gurmad ayey u baahan yihiin, waxeyna iyagoo habaartamaayo oo naceyb Ameerikaanna aad uga muuqdo hadana safaf dhaadheer u galaan masago ay ku shaabadeysan tahay astaanta Hay’adda gargaarka Mareykanka USAID oo muujineysa in uu Ameerikaanku ku deeqay.

Waddooyinka qaar waxaa taagan dad gawaarida u gacmo haatinaya oo misana dhuuntooda ku taabanaya gacantooda, iyagoo ula jeeda “i waraabiya”

Halka ay masiibadu ka dhacday ee lagu duqeeyey Aadan Cayrow waa cirifka bari ee magaalada, waana meel qiyaastii 2km loo soconayo marka laga dhaqaaqo bartamaha magaalada, gaar ahaan banaanka weyn ee kulaala Hotel Ban-Geelle.

Xaafaduhu waa kuwo aan laheyn dhismayaal qurxoon, dadkuna waxey u muuqdaan kuwo sabool ah oo ay aad u taabteen kuleylada is biirsaday ee abaarta, sicir bararka iyo dagaalada hana u dheeraatee duqeyntii Mareykanka.

Sedax god oo waaweyn ayaa ka qodan goobtii uu ahaan jiray gurigii marxuum Cayrow, godka ugu qotada dheerina waa halkii la iigu sheegay inuu ahaa qolkii uu seexan jiray oo dhagaxaanta ku daadsan ka sokoow lagu arkayey oo kaliya wax u muuqday sarwaal tuute ah oo aad u googo’ay iyo calalo ka haray daahii qolka derbigiisa ku xirnaa.

Dhamaanba guriga waa uu wada dummay, aasaaskiisiina wuu raacay, dhagaxaantii iyo shamiintadiina way kala soocmeen oo waxey u kala baxeen asalkoodii.

Mararka qaar qofkii isagoon aan xog ka heysan dheehdaa goobtga la duqeeyey waxaa ku soo dhaceysa dhagxaanta iyo shamiintadan is dhaxdaadsan malaha waxaa halkan loo keenay in lagu dhiso.

Hareeraha meeshii ahaan jirtay aasaaskii guriga waxaa dhooban haraagii gantaalaha (Tomahawk) loo yaqaano ee lagu garaacay, waxeyna qaar dhumucdooda la egtahay afka hore ee diyaaradaha, waxaana ka muuqanaya qoraalo isugu jira lambarro iyo magacyo.

Goobta uma eka meel la duqeeyey ee waxey aad ugu eg tahay meel uu ka dhacay shil diyaaradeed oo ay isku jiireen diyaarado nooca dagaalka ah.

Dhamaanba maacuuntii gurigaasi tiilay iyo xitaa sariirihii midna lagama arag wax haraa ah, wax la garan karo oo gurigaasi gantaalihii lagu dhuftay ay ka reebeen waxaa ka jira calalo yar yar oo u badan dharka nooca tuutaha ah ee ay xirtaan askarta, kabo nooca saandalka ah, hal joog buut ah, ganjeelkii oo isku duuduubmay iyo qaar ka mid ah laamayeerigii oo la moodo sida xaashi qoyan oo kale.

ANTEENO AAN LA AQOON

Dadka deegaanku waxey sheegeen in inta aan duqeynbta dhicin muddo todobaad ka badan ay taleefoonada deegaanka soo galeysay anteen aan la aqoonin waxa ay tahay, balse aan lagu hadli karin.

Anteenkaas oo qofba si ku macneeyey waxey dadka qaar sheegeen in ay aheyd aaladda loo adeegsaday bartilmaameedka.

Muddo 5 casho ah ayey anteenkaasi joogtay, waxeyna dadka is weydiinayeen anteenkani maxey tahay? Ma shirkad cusub oo taleefoon baa hawada ku soo biirtay?

Hase yeeshee anteenkaasi oo la arko waxaa dadka reer dhuusamareeb ugu dambeysay habeenkii ay duqeyntu dhacday.

MAATIDA LA DHIBAATEEYEY

Dhibaatada kuma koobna oo kaliya gurigaasi la sheegay inuu bartilmaameedku ahaa, balse waxaa dhibaato aad u baahsan ay gantaalahaasi u geysteen dhamaanba derisaantii ka ag dhowaa iyo kuwii ka fogaaba intaba.

Inta aad dhax taagan tahay halka uu guriga Aadan Cayrow ahaan jirey dhankasta oo aad eegto waxaad arkeysaa guryo dunsan, kuwo laamayeerigoodu dul duleelo iyo kuwo gebi ahaanba laamayeerigii saarnaa uu ka duulay.

Guri walbana ugu yaraan qof ayey wax ku gaareen, wallow ay dadka ka siman yihiin qalqal xagga maskaxda ah, kor cuncunka iyo aragga oo ka taga xilliga habeenkii ah (Hammiinisow).

Guri ay laheyd haweeney lagu magacaabo Caasho Maxamed Geeda-Qorow oo kaabiga koofureed ka saarnaa guriga lagu duqeeyey Aadam Cayrow ayaa isagana gebi ahaanba dhulka la sinmay, waxaana inta ay duqeynta socotay kaga geeriyoodeen laba ka mid xubnaha qoyskeeda oo kala ahaa Maxamed Axmed Nuur oo 14Jir ah iyo Caasho Maxamed C/qaadir oo 22Jir aheyd.

Dhamaan xubnaha qoyska Caasho Geedo-Qorow intooda shilka ka badnaaday waxey ka dhaxleen dhibaatooyin deris kula noqday nolosha.

Xubnaha qoyska oo ay ugu weyn tahay Caasho Geeda-Qorow oo ah haweeney 60jir ah, ayna ugu yar tahay Nasro Xasan Nur oo 3Jir waxey ka siman yihiin “sas” ay ka qaadeen dhawaqii xanuunka lahaa ee dhagaha dilaaciyey xilligii duqeynta iyo dhimbilii cirka isku shareeray ee sidii go’a la huwado oo kale uga dul-fiiqay dhismihii gurigooda oo ka sameysnaa laamayeeri iyo alwaax.

Qaar ka mid ah xubnaha qoyskan siyaabo kala duwan ayey uga sheekeeyeen khibradii ay u yeesheen wixii dhacay iyo wixii ay ka dhaxleen intaba.

C/laahi Axmed Nuur oo ah wiil 8Jir ah oo walaakiis ay hal joodari isla jiifeen uu ku geeriyooday duqeynta wuxuu sheegay inuu ka dhaxlay duqeyntaas cabsi iyo naxdin daran oo xilliga habeenkii ah iyo riyooyin argagax leh oo uu ku soo baraarugo goor walba oo uu hurdo.

“Walaalkey waxaan isla jiifnay hal joodari, ilaah ayaa ku shuqul leh qadartaas, aniga waxba ima gaarin, isagiina wuu googo’ay hilibkiisa, isla meeshii aan iska jiifnay ayeyna nafta kaga dhacday, walaasheyna iyadoo dhaawac ah oo lug iyo gacan ay ka gooyeen qaraxyadii ayaa isbitaalka loo qaaday laakiin inta aanba la geyn ayey dhimatay” ayuu yiri C/laahi.

“Hadalkii walaashey waxaan ka xasuustaa inay laheyd walaaloow…walaaloow…mararka qaar waxaan hurdada ka soo naxaa iyadoo aniga I dhaheysa walaaloow” ayuuna sii raaciyey.

Markii uu C/laahi ka sheekeeyey wixii uu ka dhaxlay dhibaatada ka soo gaartay duqeynta Mareykanka wuxuu yiri “Habeenkii waan naxaa haddii aan arko wax iftiin ah oo iiga muuqanaya meel fog, waayo waxey iila ekaanayaan dhimbilihii kuleylka badnaa ee korka nagaga soo daatay markii gurigeenii uu gubanayey, sidoo kalana mar walba oo aan seexdo waxaan ku riyoodaa qarixii, ka dibna anigoo qaylinaya ayaan soo kacaa”

Xaliimo C/Rasaaq Nuur oo ah gabar yar oo 9jir ah, isla markaasna uu dhalay C/laahi adeerkii iyada dhamaanba hadalkii ayey gabtay, waxaana iyadoo hadasha ugu dambeysay habeenkii qaraxa uu dhacayey.

Saskii iyo naxdintii ayaa dhaxalsiiyey in hadalkii ka soo bixi waayo, marka lala hadlana indhaha oo qura ayey dadka ka eegtaa, mana awoodo in ay kuu jawaabto.

Qoyska waxaa intaas u dheer in ay shaki ka qaadeen guri kasta oo weyn ama u dhisan sida fillooyinka, waxeyna u maleeyaan in la bartilmaameedsanayo guryaha fillooyinka ah oo dhan.

Waa laga soo raray meeshii ay deganaayeen, waxaa guri aad u yar oo cariish ah looga dhisay duleedka galbeed ee magaaladda, halka ay markii hore deganaayeen duleedka bari oo ah halka ugu dambeysa dhismayaasha magaaladda oo uu ku yaalay gurigii Mujaahid Aadan Cayrow Ilaah ha u xanariistee.

Ma ahan qoyskan oo kaliya kuwa ay dhibaatadu gaartay, balse waxaa la wadaaga dhibanayaal badan oo ka mid ah qoysaskii la ollogga ahaa guriga la duqeeyey.

Dhibaatooyinka laga dhaxlay duqeynta waxaa ka mid ah; dadkii oo ay qaar waasheen, waxaana ka mid ah haweeney todoba caruur ah heysata oo ku waalatay naxdintii qaraxa, sidoo kalana laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa ka mid ah dadka kuwaashay jugtii dhacday xoogeeda.

Inkastoo aanan ogolaansho u heysan in aan magacooda sheego, haddana waxaa jira ilaa laba rag ah oo iyaga jugtii dhacday ka dib iska waayey raganimadii.

Nin ka mid ah oo ogolaaday in aan soo xigano ayaa wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii deriska la ahaa Aadan Cayrow, goobjoogna u ahaa xilliga jugta ay dhacday.

Wuxuuna yiri “Aniga deris baan la ahaa marxuumkii gardarrada lagu dilay, markii ay wax dhaceenna waxaan ka mid ahaa dadkii guriga u soo gurmaday ee meydadka wax ka soo fagay, aburtii iyo uuradii sunta oo igu baxay ayaan waxaan ka dhaxlay xanuuno ay ka mid yihiin kor cuncun, indho-xanuun iyo qufac, dhawr maalmood dabadoodna waxaa iga tagtay awooddii xagga raganimada”

Ninkan oo markiisii hore ka soo qaxay magaalada Muqdisho dagaaladda awgood wuxuu Dhuusamareeb ku heystaa tiro caruur ah iyo hooyadood, wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan kaligiis aheyn oo ay jiraan dad kale oo raganimadoodii wax gaareen.

“Ilaa hal qof oo aan saaxiibo nahay ayaan hubaan inuu isagana sidoo kale dhibkaas ila qabo dad kale oo dhibkoodii qarsanayana waa jiri karaan” ayuuna sii raaciyey hadalkiisii.

Xanuunku kala darane dad buu kan guud u dheeraa mid gaar ahaaneed, dad baa hilibkoodii dabka lagu solay misana ka waayey cad ay ka duugtaan.

Hooyo Xabiibo Maxamed Aadan oo ah hooyadii dhashay Mujaahidkii da’da yaraa, Aadan Xashi Cayrow ee ay Mareykanku ku beegsanayeen duqeyntooda oo aan ku wareystay meel 80km u jirta magaalada Dhuusamareeb ayaa waxey ka sheekeysay dareenkeeda iyo sida ay u aragto sababaha wiilkeeda loo dilay.

Iyadoo dhabanada heysata, ooyeysa, misana ka tiiraanyeysan awoodda loo sheegtay wiilkeeda ayaa waxey tiri “waxaan garan la’ahay sababta wiilkeyga uu khatar ugu ahaa Mareykan, wiilkeya Dhuusamareeb ayuu joogay, Dhuusamareebna dhul Mareykan ma ahan, waa dhul Soomaaliyeed waa dhulkii Islaamka, waana dhulkii isaga gobal ahaan uu ka soo jeeday”

Waxey intaas sii raacisay “wiilkeyga Aadam wuxuu ku dhashay degmada Xaradheere ee gobalka Mudug taariikhu Markey aheyd 1975kii, intaas ka dibna wuxuu ahaa nin akhlaaq wanaagsan oo aad baari iigu ahaa, mana aheyn qof dadka dhiba, laakiin isagii ayuu cadow dhibay”

Inkastoo ay aad uga murugooneysay dilka wiilkeeda, hadana waxey aaminsan tahay inuu wiilkeedii ku dhintay jid sax ah oo xaq ay aheyd inuu ku dhinto, “Aadan nin raga buu ahaa, wuuna dhiman lahaa oo muu waareen, mar haddii isagoo Allaah u adeegaya uu dhintay waa ilaah mahaddiisa, laakiin waxey tiiraanyadeedu ideyn la’dahay in la yiraahdo argagaxisuu ahaa”

Laba kala bariday kala war la’

Dowladda Mareykanka waxey u sameysay dilka Aadan Cayrow soo dhoweyn farxadeed, waxeyna ku faaneen weliba in ay cod dheer ku yiraahdaan waxaan dilnay hoggaamiyihii Alqaacidada Soomaaliya, laakiin hooyadiis Xabiibo waxey leedahay Mareykan waxaan ka doonayaa inuu magdhaw ka bixiyo dilkii wiilkeyga.

“Ameerikaanku gardarro ayey ku dileen wiilkeyga, waxaan ka doonayaa in ay magdhaw ka bixiyaan dilkiisa” ayey tiri.

DHAKHTARKA GOBALKA

Dhakhtarka kaliya ee deegaanka ku sugnaa oo ah xiriiriyaha Hay’adda SAHED Dr. Ahmed Mohamed Mahdi ayaa wuxuu ka warbixiyey duqeyntii ka dib xanuunada ugu badan ee ay arkaan iyo wax yaabihii ay sida gaarka ah u diiwaangeliyeen ee ay u arkeen in ay noqon karaan saameyn ka dhalatay duqeynta.

Dr. Axmed wuxuu yiri “dadka oo dhan waxey ku jiraan xaalad sas ah, way walbahaarsan yihiin, anaga ayaa ka mid ah dadka uu saska iyo walbahaarka haayo, sababtuna waxey tahay wixii halkaan ka dhacay oo ahaa wax ka tan weyn wax uu damiirka aadmiga u adkeysto”

Wuxuuna Dr. Axmed intaas ku daray “dadku waa masaakiin sabool ah, xilligan uma baahneyn in dagaal iyo duqeyn lagu argagaxiyo, ee waxey u baahan yihiin in loo kaalmeeyo, waayo xoolihiina gacmahooda waa dhaafeen abaarihii baa ka dhameeyey, sicir bararna wuu hayaa”

Dr. Axmed wuxuu sheegay in Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ay ka sameeyeen qeyb diiwaan galisa cudurada ama waxyaabaha aan horey deegaanka looga aqoonin ama ka dhashay duqeyntii sunteedii.

Wuxuuna dhakhtarka ku waramay in ay hayaan kiisas ay diiwaan galiyeen inta ay ku guda jireen hawshaasi is xilqaanka ah.

“Dhibaatooyinka ay dadka ka sheeganayaan ee aan diiwaangalinay qaarkood waxaa ka mid ah kor cuncun, indhihii oo cuncuna habeenkiina aragga uu ka tago, dhamaan dadka noo imaanaya oo wada traumatic ah, qufac aan kala go laheyn iyo waxyaabo kale” ayuu yiri dhaktarka.

CABSIDA LA WEHESHADO

Magaaladda Dhuusamareeb waxey leedahay oraahyo soo baxay xilligan dhaw oo erey-bixin u ah hadba xaaladda jirta.

Odey ka mid ah dadka magaalada ku dhaqan oo aan kula sheekeystay geed uu ku hoos cayaarayey shax “jaro” ayaa wuxuu iigu waramay sidan.

“Weriye halkaan waxaan ku heynaa Cabsi la weheshado iyo Baahi la dugaashado” ayuu igu yiri mar aan weydiiyey ka waran xaaladda nololeed ee magaaladda?.

“Cabsida la weheshado waa Alshabaab, waayo iyagana waan ka cabsanaa, in weerar iyaga lagu soo qaaday dartiis dhib noo gaarana waan ka baqanaa, laakiin waa noo fiican yihiin oo waxaan ka dugaashanaa tuugadii dadka dhici jirtay iyo mooryaantii dadka u dili jirtay sida macno la’aanta ah, waayo iyaga oo jooga laguma dhici karo, lagumana dili karo oo way difaacaan qofka la dulminayo” ayuu sii raaciyey.

Mar uu sharaxayey waxa uu ula jeedo baahida la dugashado wuxuu yiri “waxaa jira hay’ado gargaar oo mar mar halkaan keena masago yar yarey, nama dherjiyaan oo wax nagu filan ma keenaan, hadana waan dugsanaa oo Hay’adihii baa raashiin keeni doona ayaan nafta ku sabarsiinaa ilmahana ku sasabnaa”

RAYIGA NIN KU WAASHAY DUQEYNTA

Kuma aanan koobin xog uruurinteyda dadka miyirka qaba oo kaliya, laakiin waxaan isku dayey in xitaa aan dareenkooda waydiiyo qaar ka mid ah dadkii ku waashay dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Wiil dhalinyaro ah oo la ii sheegay inuu mar hore qabay xanuuno dhanka maskaxda ah balse si toos ah ugu dhuftay markii qaraxa uu ka dul dhacay ayaan la sheekeystay.

Magciisa sheegi maayo maadaama uusan miyir qabin, wax ehelkiisa ahna aanan ila joogin markii aan wareystay, waxaanse sheegayaa oo kaliya qaarka mid ah hadaladii aan wadaagnay.

Waxaan weydiiyey xaaladiisa caafimaad, wuxuu iigu jawaabay “Alxamdulilaah…aad baan u wanaagsanahay…” waxaan kaloo weydiiyey maxaa kugu dhacay, wuxuuse iigu jawaabay “anigu waan fiicnahay, laakiin waxaan la yaabanahay dadka xitaa hadii la dilay iska sii nool”

Waxaan sii waydiiyey “yaa la dilay oo weli sii nool?” wuxuuna iigu jawaab celiyey “dadka reer dhuusamareeb oo dhan waa la dilay, qolo la yiraahdo Ameerikaan ayaa dishay, welina waa iska nool yihiin”

Ugu dambeyntii waxaan waydiiyey adiga markii dadkan la dilaayey halkeebaad joogtay wuxuu iigu jawaab celiyey “aniga waan fiicnaa markii hore, dadka la dilayna kuma jirin, laakiin waxaan dhintay Saacadihii Cadaabta, waxaana iigu wardambeysay iyadoo ay dhimbilo kor ka soo daadanayaan, gugac iyo hilaac badanina uu jiro”.

By Abukar Albadri,

Saxafi Madaxbanaan

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: