Advertisements

Mu’tamarkii 16aad ee ka socday magaalada Stockholm ee dalka Sweden oo si fiican u dhacay lagana faa’ideystay.

Mùtamarkii 16 Sweden

Halkaan ka akhri

 

Waxaa xalay magaalada Stockholm ee dalka Sweden lagu soo gabagabaeeyey Mu’tamarkii 16aad ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Skandineefiyaanka.

Mu’tamarkan oo soo bilowday aroornimadii khamiistii lasoo dhaafay, tan iyo markaas iyo haddana si xiriir ah u socday ayaa jawi aad u wanaagsan kusoo gabagaboobay, iyadoo ay kasoo qeybgaleen dad lagu qiyaasay laba kun iyo dheeraad.

Mu’tamarka sanadkan ayaa waxaa casharro diini ah ka dhiibay culimo isugu jira Soomaali, Carab iyo Swiidhish, iyagoo soo jeediyey duruus iyo muxaadaraad ku baxay afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska iyo luqadda Iswiidhishka.

Sidoo kale dadweynaha kasoo qeybgalay Mu’tamarka sanadkan ayaa ka kala yimid dalalka Iswiidhan, Denmark, Norway Finland iyo Ingiriiska kuwaasoo si koox koox iyo kelikeli ah uga yimid dalalkaas aynu soo sheegnay.

Ujeedooyinka Mu’tamarkan ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1- Gudashada culimada mas’uuliyadda Ilaahay ka saaray u adeegga diinta iyo caddeynta xaqa

2- Sare u qaadidda wacyiga diineed ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkan si ay ugaal buuxa ugu yeeshaan xilka iyo waajibaadka diineed ee ka saaran diintooda iyo naftooda

3- Xoojinta isku xirnaanshaha ka dhexeeya culimada iyo xubnaha jaaliyadda ee ku dhaqan dalalkan si ay uga faa’iideystaan cilmiga ay culimadu xambaarsan tahay

4- ka jawaabidda culimada wixii su’aala diini ah iyo ka talabixinta wixii mashaakilaad ah ee xal u baahan

5- Jiheynta iyo tusaaleynta da’yarta si aysan uga marin-habaabin dariiqa toosan uguna kadsoomin duullaan maskaxeedka lagu burburinayo caqiidadooda iyo dhaqanka suuban ee Islaamka

Culimadii kasoo qeybgashay shirkan, duruustana ka dhiibtay ayaa kala ahaa:

1) Sh. Suldaan Maxamed Xasan Ibraahim oo deggan Soomaaliya

2) Sh. Maxamed Idriis Axmed oo deggan Sucuudiga

3) Sh. Yuusuf Axmed oo deggan Iswiidhan

4) Sh. Mustafa X. Ismaaciil Haaruun oo deggan Soomaaliya

5) Dr. Cali Maxamed Saalax oo deggan Norway

6) Sh. C/Raxmaan Axmed Cilmi Abyad oo deggan Denmark

7) Sh. Khaalid C/Caliim Mutawalla oo deggan Imaaraadka Carabta

8) Sh. Maxamed Rashaad oo deggan Canada

9) Sh. Maxamed C/laahi Casoowe oo deggan Denmark

Cinwaanka mu’tamarka oo ahaa “Turunturrooyinka iyo turxaan bixintooda” ayaa mawaadiicdiisu ku wareegayeen dhibaatooyinka heysta heysta ummadda Islaamka, gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo sidii looga gudbi lahaa. Mawaadiicdii sida aadka ah loo daneeyey ayaa waxaa kamid ahaa nadwo ay ka qeybqaateen qaar kamid ah culimada loogana hadlay qaabka loo sameyn karo isbedel wanaagsan oo looga gudbi karo dhibaatooyinka hor taagan ummadda Somaaliyeed ee ay mushkiladuhu ragaadiyeen.

Gabagabadii shirka ayey culimadu soo jeediyeen dardaaran ay ku sagootiyeen dadkii kasoo qeyb galay mu’tamarka oo tiro badan oo kamid ah ay sugayeen safarro dhaadheer oo ay ugu laabanayaan dalalkii ay ka yimaadeen.

Mu’tamarka sanad walba ka dhaca dalkan Iswiidhan ayaa ah kan ugu faca weyn Mu’tamaraadka Islaamiga ah ee ka hanaqaaday dalalka reer galbeedka, kadibna u tallaabay gudaha dalka Soomaaliya oo ay sanad walba kusoo xirmaan tiro aan yareyn oo dad ah si ay uga faa’iideystaan culimada.

SomaliSwiss Stockholm

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: