Advertisements

Horta ma Soomaali baa tahay?

Ururka W. Somaliyed

Halkaan ka akhri

Muddadii jahwareerka iyo dagaallada ay ku jireen ummadda Soomaaliyeed, waxaa Soomaalida ka lumay waxyaabo badan sida: waddaninimada, dhaqanka, Asluubta Diimeed, Afka Soomaaliga, deris wanaagga, iyo martigelintii ay Soomaalida caanka ku ahayd.

Arrintii ugu darnayd ayaa hadda timid Taasoo ah Soomaalidii waxaa maanta ka suulay Muuqaalkii Soomaalinimo. Dhallinyaro meel walba yaacaysa, oo wiilal iyo gabdho isugu jiro ayaanba u ekeen Soomaali. Oo aan ka muuqan Muqaal Soomaalinimo.

Magaalooyinka waaweyn ee Yurub, North America, Carabta iyo Magaalooyinka waaweyn ee qaaradda Africa qaarkood, waxaad ku arkaysaa Dhallinyaro Soomaali ah oo aan ka muuqan muuqaalkii Soomaalida la aqoonsan jiray, sida qaab dhismeedka jirka, Socodka iyo Laafyahii Soomaalida lagu yaqiinay.

Waxaan caddeyn u soo qaadan karnaa hees uu ku luuqeeyey Fannaanka Caanka ah “Xassan Aadan Samatar” oo ah Heestiisii caanka ahayd “Horta ma Soomaali baa tahay.” Heestaan runtii waxay ka tarjumaysaa marxaladda maanta jirta Taasoo ay Soomaalida uu ka suulay muuqaalkii Soomaalinimo.

Hadaba ururka Waddaniga Soomaaliyeed wuxuu samaynayaa Ra’yi ururin ku saabsan Sababta dad badan oo Soomaali ah uu uga Suulay Muuqaalkii Soomaalinimo.

Haddii aad heyso fikrado, caddaymo ama dhacdooyin ku soo dir fikraddaada e-mailka Ururka Waddaniga Soomaaliyeed, waxyaabaha sababay in dadkii Soomaalida uu xitaa ka lumay muuqaalkii Soomaalinimo, shakiba uu kaa gelaayo inay Soomaali yihiin iyo inkale.

Zahra Abdi Hersi (Holland)

Ururka Waddaniga Soomaaliyeed

soomaalibaanahay@hotmail.com

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: