Advertisements

Gud. Baarlamanka KMG Aadan Max’ed Madoobe oo Maanta eedayn u jeediyay R/waasre Nuur Cadde iyo qaar ka mid ah Wasiiradiisa.

Gud. Baarlamaanka

Halkaan ka akhri

Waxaa soo ifbaxaya Khilaaf aad u xoogan oo soo kala dhaxgalay Mas’uuliyiinta ugu sarayso ee Dowladda KMG Soomaaliya oo la xiriira Heshiiskii Shirka Jabuuti.

Gudoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya Mudane Aadan Max’med Nuur (Aadan Madoobe ) ayaa Maanta magaalada Baydhabo ka sheegay in Mas’uuliyiin ka tirsan Wasiirada dowladda  Nuur Cadde ay ka Madax adaygeen Awaamir uu Baarlamanku u diray.

Hase ahaatee Mudane Aadan Madoobe wuxuu si gaar ah u xusay R/wasaare  Nuur Cadde, Wasiirada Amaniga arrimaha Gudaha  iyo Kan Gaashaandhigga, wuxuuna ku eedeeyey inay  diideen Amar ka soo baxay Baarlamanka KMG Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee hadalka Maanta ka soo yeeray Aadan Madoobe ayaa cadaynayo in Khilaaf xoogan uu u dhxeeyo Mas’uuliyiinta dowladda, balse warar aan soo shaac baxin  ayaa sheegaya in gudaha Baarlamanka laga abaabulayo qorshe Xilka looga qaadayo R/wasaare Nuur cadde.

SomaliSwiss  Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: