Advertisements

Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo Saaka ku soo Jarmaaday Wadada Makka Al-Mukarrama, kuna qafaashay dhalinyaro mareysay Wadadaas.

W.Makka Al-Mukarrama

Halkaan ka akhri

Saakay waabarigii ku soo jarmaaday Wadada Maka Al-Mukarama Ciidamada Ethiopia oo ka billaabay qafaalasho dhalinyaro badan oo qaarkoodna ay jirdil lagula kacay.Hase ahaatee howl galkan ayaa ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamadu waxay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqii gaadiidka iyo dadweynaha, iyadoona isku fidiyay wadooyinka jid cadaayasha ee kaaba Wadada laamiga ee Maka Al-Mukarama.
balse wararka ayaa sheegaya in wadada Maka Al-Mukarama oo noqotay wadada keliya oo halbowlaha u ah isu socodka Degmooyinka Waqooyi iyo Koonfur ee Magaalada Muqdisho, isla markaana ah wadada kaliya ee xilligan furan, hase yeeshee Ciidamada Ethiopia ayaa waxay ka heleen wadada Miino lagu aasay dhulka hoostiisa.
Si kasta ha ahaatee dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in Ciidamada wateen qalabka Miinada baara oo ay wadadaas ka baarayeen muddo saacado ah, waxaana markaas kadib ay qabteen dhalinyaro badan oo qaarkood ay ugu galeen Hoygooda oo ku yaala agagaarka Wadada Maka Al-Mukarama.
Warku wuxuu intaas uu raaciyey in dhalinyarada ay wateen Ciidamada ay gaareysa ilaa 6 qof oo ay u kaxeysteen fariisimaha ay ku leeyihiin Dhismaha Wadada Shaqaalaha, waxaana la arkayay jirdil ay u geysanayeen dhalinyaradaas.
SomaliSwiss  Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: