Xubnaha Baarlamanka KMG Soomaaliya oo la filaya inay ka doodaan sharci ku saabsan la dagaalanka Argagixisada iyo Nabadda.

Barlamaanka KMG ah

Halkaan ka akhri

Xubnaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya in ay ka doodaan sharci ku saabsan arrimaha argagixisada iyo Nabadda, Sharcigani oo dhoowr jeer oo hore uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu ugu celiyay Baarlamaanka KMG Soomaaliya inay meel mariyaan ayaa la filayaa in la hor keeno Baarlamaanka si uu uga doodo isla markaana sharci kama danbeeys ah uu uga soo saaro.

Xildhibaan Cawad Axmed Casharo oo ah Gudoomiyaha gudiga warfaafinta u qaabilsan baarlmaanka oo imminka ku sugan magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta, ugu warmay arrimo ay ka mid yihiin qaabka loola dhaqmayo dadka loo heysto arrimaha Argagixisada,wuxuuna sheegay in sharcigani uu wax ka badalayo nidaamkii uu ku shaqeyn jiray nabadsugida, waxaana lagu badalayaa buu yiri nidaamka Casriga ah ee uu ku shaqeeyaan nabadsugida caalamka.

Balse Xildhibaan Cawad oo ka hadlayey waxa uu yahay sharcigan iyo wax xiligan loo soo hadal qaaday mar hadii horay uu baarlamaanka uu madaxweynaha ugu soo celiyay mar hadii ay horay u ansixiyay ayaa waxaa uu sheegay in arintaasi looga go leeyahay in dimuquraadiyada lagu dhaqmo iyadoo laga duulay sharciga caalamka ee ah la xisaabtanka dowladaha soo koraya.

Si kasta ha ahaatee erayga argagixisada ma’ahan wax si dhab ah ay isugu Raaceen caalamka, balse waxay beesha caalamka guud ahaan ku guul dareeysteen in si guud la isugu raaco cida loo aqoonsanayo in ay tahay argagixiso.

Hase ahaatee waxaa lagu jahwareersan yahay arrinta argagaxa keeno iyo micnaheeda, sidaas awgeed  waxaa kulan arrintaas looga hadlayay uu ka dhacay dalka mareykanka kaasi oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana ay ku guul dareeyteen in hal fakir laga qaato cida loo aqoonsanayo in ay tahay argagixiso waxaana ay dadka qaar aaminsan yihiin in magacaasi uu yahay mid lagula dagaalamayo kooxaha u dagaalamaya xuriyada wadamadooda iyo difaaca diimaha ay aaminsan yihiin.

Waxaan wali ka jirin dalka Soomaaliya sharci rasmi ah oo ay isku raaceen Baarlamaanka iyo madaxtooyada Soomaaliya oo ah hay’adaha ugu sareeya dowlada KMG Soomaaliya oo ah la dagaalanka argagixisada ayaa hadana waxaa jirta hay’ada hubeeysan oo dowlada u qaabilsan la dagaalanka wax loogu yeero argagixisada, taasi oo dad badan oo Soomaali ah u xirxirtay falaal lala xiriirinayo arimahaasi mana cada sida la isku haleelsiinayo mar hadii usan jirin sharci la isku waafaqay oo la xiirir la dagaalanka Arigagixisada waxa loogu yeero iyo dad badan oo loo heeysto arimahaasi isla markaana loo gudbiyay qaarkood wadamo shisheeye.

SomaliSwiss Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: