Xubnaha Barlamaanka dowladda KMG oo magaalada Baydhabo ku yeeshay kulan Xasaasi ah, oo ku wajahan RW. Nuur Cade.

Baarlamaanka KMG

Halkaan ka akhri

Xubnaha Barlamaanka dowladda KMG ah ayaa maanta waxaa shir uga furmay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. 

Illaa 50 xubnood oo ka mid ah Baarlamaanka dowladda KMG ah ayaa shalay soo gaaray magaalada Baydhabo waxaana saaka uu kulanku ka furmay xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo.

 

Ajandaha kalfadhigan ee ay isugu yimaadeen Xubnaha Baarlamaaka ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay mooshin ka dhan ah RW. Nuur Cadde kas oo lagu eedeeynayo in uu si gooni ah ugu tasarufay arrimaha dib u heshiisiinta asaga oo aan soo marin golaha Baarlamaank. 

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee la shaqeeya gumaysiga Ethiopia  Aadan Madoobe ayaa ku baaqay in ay xubnaha Baarlamaanku isugu yimaadaan kalfadhi si ay u falanqeeyaan waxa uu ku macneeyay hawlaha u yaalla Baarlamaanka KMG ah.

 

Lama garanayo in kulanka lagu furi doono mooshinka ka dhanka ah RW. Nuur Cadde waxaana baryahan aad loo hadal hayaa in ay jiraan xubno ka tirsan Baarlamaanka oo olole ugu jira la xisaabtanka RW.  Nuur Cadde. 

 

SomaliSwiss Baydhaba

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: