Ciidamo Madani ah oo loo sameeyay Magaalada Kismaayo, kadib markii ammaan darro baahsan ay soo wajahday Shacabka reer Kismaayo.

Magaalada Kismaayo

Halkaan ka akhri

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda Hoose, ayaa laga sameeyay Ciidamo Madani ah oo sugaya Amaanka guud ee magaalada, kaas oo dhismihiisa iyo abaabulkiisaba ay la haayeen Dhalin Yarta reer Kismaayo ee magaalada ku dhaqan.

Bilihii ugu danbeeyay ayaa waxaa sii xumaanayey amaanka guud ee Magaalada, iyada oo halkaa howlo bur cad nimo ah ay ka wadeen maleeshiyaad hubeysan oo an cidna ka amar qaadan, kuwaasoo geysanayay dhac, dilal iyo arimo kale oo amaan daro ku abuurayay magaalada Kismaayo.

Dhamaan xaafadaha kala duwan ee Magaalada ayey ciidamadan is abaabulay ay ka shaqeyn doonaan, gaar ahaan xilliyada Habeenkii oo amaan daradu aad u sii daran tahey.

Arintan ayaa kusoo beegmeysa iyada oo maamulkii halkaa ka jirey waxba ka qaban waayey sugida amaanka guud ee Magaalada Kismaayo, taas oo dhalisey in dhalinyarada magaalada u istaagaan sugida amaanka guud ee magaalada.

Dhalin yartan isu xilqaantey sidii amaanka guud ee magaalada ay u sugi lahaayeen, ayaan iyagu hoos tagin maamulka hadda ka jira Magaalada, arintaas oo u muuqata in Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ay u soo jeesteen sidii ay aayahooda nololeed iyo gaar ahaan sugida amaanka shacabkooda guud ee Magaalada Kismaayo uga tashan lahaayeen.

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa si weyn arintaan usoo dhaweeyay, kuwaasi oo ku tilmaamay arintan, mid horseedi karta in Shacabka reer Kismaayo ku wada noolaadaan nabad gelyo iyo horumar. 

SomaliSwiss Kismaayo

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: