Ciidamada Ethiopia oo laga gubey 2 Gaari Ural ah iyo Ciidankii saarnaa oo noqday kuwo…

Gawaari la gubay

Halkaan ka akhri

Faafaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Kolonyo Ciidamo Ethiopian ah oo ku sii jeeday Dhanka Feer Feer ee xadka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Balse wararka cusub ayaa sheegaya in ilaa 8-gaari saaka ka ambabaxeen Magaalada B/weyn, iyagoo ku sii jeeday Dhanka Feer Feer, halkaasoo la sheegay in ay u wadeen Meydad iyo dhaawacyadii dagaaladii dhowaan Gobolka Hiiraan kula galeen Xoogaga ka soo horjeeda.
Hase ahaatee Gawaaridan Uralka ah ayaa mareeysay inta u dhaxeysa Kala Beyrka iyo Jawiil, hase yeeshee ay wadada u galeen Xoogaga Hubeysan Kolonyada baabuurtaas, dagaal xoogan kula galay Ciidamada gumeysiga Ethiopia goobtaas, kaasoo socday muddo 30 daqiiqo ah.
Sida ay sheegayaan warar kala duwan aan ka helnay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan in Mujaahidiinta Maxkamada Islaamiga ay gubeen 2 ka mid ah 8dii gaari Uralka ahaa ee ay wateen maxaysatada Ethiopia iyo Ciidamadii saarnaa ay baabi’iyeen.
Si kasta ha ahatee dagaalada ka dacayey Gobolada Dhexe ee Soomaaliya toddobaadkii tegay ayaa u muuqanaya mid isa soo taraya, iyadoo halkaas tiro dhowr jeer ay isku fara saareen Ciidamada Ethiopianka iyo Kooxaha kala duwan ee ka soo horjeeda joogitaankooda.

SomaliSwiss Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: