Af-hayeenka Maxaakiimta Sh. C/rixiim Ciise Caddow oo ka hadlay weerar gaadmo ah oo ay Saaka ku qaadeen Ciidamo Ethiopian ah oo marayay meel u dhow Tuulada Jawiil.

Ciidamada Ethiopia 

Halkaan ka akhri

Waxaa saaka aroortii hore dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegasaday uu ka dhacay meel u dhow Tuulada Jawiil  oo lagu magacaabo (Dib gab) halkaasoo u dhexeysa Deegaanka Feerfeer iyo Tuulada Jawiil waxaana uu dagaalkaasi dhexmaray Kolonyo baabuurta dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo xoogagga Maxkamadaha ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamadaasi ee gudaha dalka Soomaaliya kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

 

Dagaalkaan oo socday mudo 30 daqiiqa ah ayaa waxaa ka hadlay Af-hayeenka dhinaca howlagalada ee Maxkamadaha Isaamka Sheikh C/rixiim Ciise Caddow kaasoo ugu horeyn sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen dagaalkasi kadib markii ay weerar gaadmo ah ku qaadeen sida uu sheegay kolonyo Ciidamada gumwysiga Ethiopian-ka ah oo watay 8 gaari ah nooca Uuraalada loo yaqaan wuxuuna sheegay in ay wadeen Ciidamadaasi Meydad iyo dhaawacyo askartooda ka soo gaaray dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolka Hiiraan.

 

Sheikh C/rixiim Ciise Caddow waxaa uu intaasi ku daray in ay weerarkaasi la beegsadeen 4-tii gaari ee u danbeysay islamarkaana ay u suura gashay in labo ka mid ah ay gebi ahaanba gubaan kuwaasi oo ay ku dhamaadeen dhamaan askartii saarneyd isagoo sheegay in qiyaastii gaari kastaa ay saarnaayeen 40 ilaa 30 askari inta u dhexeysa, sidoo kale waxaa uu sheegay in dhankooda uusan waxba kasoo gaarin madaama sida uu sheegay weerarkoodu ahaa mid gaadmo ah lagana fileyn halka weerarku ka dhacay wuxuuna uu ku hanjabay Sh. C/rixiim Ciise Caddow  in ay meel kasta ku weerarai doonaan Ciidamadoodu kuwa gumeysiga Ethiopian-ka ee xoogga ku hayta dalka Soomaaliya.

 

Ciidamadan gumeysiga Ethiopian-ka ee saaka wadada loo galay ayaa waxaa la sheegay in ay ka soo dhaqaaqeeen halka ay ka degan yihiin Buurta Janta kudishe, waxaana ku haray Ciidamo kale oo kama aysan soo wada bixin kuwana waxay wararku dheegayaan  in ay ku sii jeedeen Dhulka ismaamulka Soomaalida Galbeed.

 

SomaliSwiss Kismaayo

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: