Advertisements

Siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Dr C/Qaasim Salaad Xasan iyo Dr Xuseen Cali Axmed oo Dalka Masar uga Qeyb-galay Munaasabad lagu Xusayay Todobaadka Qaranimada Soomaaliya.

Dr. C/Qaasim Salaad

Halkaan ka akhri

Xaflad lagu maamuusayay Munaasabadaha xuriyada Soomaalida oo uu ka soo qeyb galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim salaad Xassan ayaa  lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Xarunta wadanka Masar.

Xafladaas oo lagu kulmiyay Sadex munaasabadood oo kala ah 27 Jun oo ah maalintii ay xornimada qaatay dalka Jabuuti iyo 26 Jun oo ah maalintii ay xoreebeen Gobalada waqooyi  iyo 1da luulyo oo ah maalintey xoreebeen Gobalada koonfureed ee Soomaaliya isla markaana ay midoobeen labada qeybood ee waqooyi iyo koonfur ee Soomaaliya.

Munaasabada xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Ardayda Somaaliyeed ee ku nool dalka Masar ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xassan iyo Duqii hore ee magaalada Muqdisho Dr. Xuseen Cali Axmed, mas’uuliyiin kale iyo dadweyne aad ufara badan waxaana ugu horeyn halkaasi Tix gabay ah kasoo jeediyay abwaan da’yar oo lagu magacaabo C/naasir Axmed kheyre (Abtiga) taasi oo uu ku cabirayay marxalada adag ee uu maanta ku sugan yahay dalka Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in ay ummadda Soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi khudbad ka soo jeediyay Gudoomiyaha naadiga ardada Soomaaliyed ee dalka Masar C/qaadir kheyre oo ka hadlay qiimaha ay munaasabadahaasi ugu fadhiyaan ummadweynta Soomaaliyeed iyo sida loogu baahan yahay in mar walba loo xasuusto oo aysan ka tirmin maskaxda da’yarta Soomalaiyeed.

Waxaa sidoo kale halkaasi khudbad dheer kasoo jeediyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xassan oo ku dheeraaday taariikhda halgankii loosoo galay xornimada iyo sida ay ummada Soomalaiyeed naftooda ugu hureen sidii ay isaga dulqaadi lahaayeen heeryadii gumeysiga.

“Ma ahan wax dheel dheel ku yimid xornimada Soomaaliya ee waxaa naftooda uhuray geesiyaal Soomaliyeed oo geed gaaban iyo mid dheerba ufuulay sidii ay gumeysiga uga saari lahaayeen ciida Soomaaliyeed isla markaana ay umideyn lahaayeen guud ahaan Soomaali weyn”Ayuu yiri Dr. C/qaasim salaad xassan isagoo si weyn uga sheekeyay Halgankii ay hormuudka ka ahaayeen geesiyadii Axmed Guray iyo Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo uu ku tilmaamay halgamayaal aan maskaxda ummada Soomaliyeed marna ka tirmeyn.

Sidoo kale Dr. C/qaasim intii uu khudbadiisa waday waxa uu amaan balaaran usoo jeediyay dowlada Masar oo uu ku tilmaamay in ay siweyn uga qeyb qaateen halgankaasi dalka Soomaaliya lagu xoreynayay.

Siyaasiga Dr. Xuseen Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Deegaanada Banaadir ayaa waxa uu hadal dheer kasoo jeediyay Munaasabadaasi isagoo farta ku fiiqay in Qofkasta oo soomaali ah looga baahanyahay in uu la yomaado Wadaniyad Jeceyl, Midnimo-doon iyo sidii looga bixi lahaa Dhibaatada maanta Soomaali ku heysata Dalka iyo Dibada .

Gudoomiyaha Xisbiga Deegaanada Banaadir Dr. Xuseen Cali Axmed waxa uu intaas ku daray in aan la fiirsankari waxa maanta soomaaliya ka socda loona baahanyahay in wax laga bedelo, taas oo uu sheegay in lagu baadi goobi karo qaab aan eheyn Dagaal, iyadoo markii uu hadalkaas jeediyay gees-kagees dadkii xafladaas ka qeyb galay ay Sacab ku dhufteen iyagoo u Riyaaqayay hadalka Dr.X useen Cali Axmed oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Deegaanada Banaadir.

Xafladaasi loogu dabaaldagayay maalmaha xornimada Soomaalida ayaa intii ay socotay waxaa gabagabadeedii hareeyay buuq iyo fowdo salka ku hayay isqab qabsi udhaxeeyay mas’uuliyiinta Naadiga ardada Soomaaliyeed ee dalka Masar iyo Urur dhalinyaro oo dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Masar SYO kadib markii ay mas’uuliyiinta naadiga ardada Soomaaliyeed ee dalka Masar dhibsadeen wareysi ay saxafiyiin Soomaali ah gudaha hoolka kula yeelanayeen madaxda ururkaasi kadibna ay korontadii ay adeegsanayeen ka jareen taasi oo keentay fowdo ku iyo buuq camimay gabagabadii xaflada sida ay ceelqaboobe usoo sheegeen qaar katirsanaa ka qeyb galayaashii Xafladaasi.

SomaliSwiss Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: