Advertisements

Sarkaal ka tirasan Golaha Maxaakiimta oo shacabka Beledweyne usoo jeediyay in ay Hantida iyo Maatida kala baxaan Magaalada Beledweyne.

Xoogagga Maxkamadaha

Halkaan ka akhri

Sarkaal ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegay in hadii ay Magaalada Beled weyne soo galaan Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay kala hor tegayaan Dagaal sidaas darteed, ayuu yiri waa in ay Ganacsatada iyo Maatida isaga baxaan magaalada Baladweyne si aysan cadowgu iyaga ugu ciil bixin oo waxyeelo u gaysan.

Sarkaalkaan oo lagu Magacaabo Sh. C/llaahi Maxamed Aadan Farey oo kamid ah Saraakiisha Xoogaga Maxaakiimta ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa hadalkaasi maanta dadweynaha uga jeediyay dignii xili uu ka hadlayay Idaacada Codka Hiiraan oo ku taal Magaalada Beledweyne.

Hadalkaas ayaa dadbadan oo kunool Magaalada Beledweyne ku Abuuray Cabsi iyo wel wel, sida uu sheegay mid kamid ah dadweynaha ku sugan Magaaladaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo Baxay magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dadku ay bilaabeen in ay Alaabahooda kala baxaan magaalada Beledweyne, islamarkaana ay Caruurta iyo Dadka waayeelka ah ka bixiyaan Magaalada, iyagoo ka cabsi qaba in ay wax yeelo kasoo gaarto hadii uu dagaal dhexmaro Labada dhinac ee Eithopian-ka iyo Xoogagag Maxaakiimta ee kuwada sugan Gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: