Advertisements

Qarax Miino oo lala beegsaday dad u shaqeynayey Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo dhimasho iyo dhaawacba keenay.

Qarax Miino

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Saakay Qarax Miino lala beegsaday dad u sheynayey Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo isugu jira rag iyo dumar oo meel jid ah ka bixinayay Miino lagu duugay oo loogu talo galay in lala beegsaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
Hase ahaatee Qaraxan ayaa waxaa ku geeriyooday 2 dumar ah oo xiligaasi dhulka ka bixnayay Miinada, kuna dhaawacmeen 3 rag oo la socday dumarkaasi oo la xaqiijiyay in ay ka mid yihiin Ciidamada Dowladda KMG ah ee la shaqeysa Gumeysiga Ethiopia.
Balse dhaawaca 3 qof oo ragga ah ayaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Baladweyne, kaasoo lagu daaweynayo dhawacooda.
Wararka kale oo ka soo baxay magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in xalay Mujaahidiinta Soomaaliyeed qarxiyeen Booyad Biyo u dhaaminaysay Ciidamada Gumeysiga Ethiopia oo ku jirtay garaash ku yaala gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
SomaliSwiss Beledweyne
SomaliSwiss@hotmail.com
Advertisements
%d bloggers like this: