Advertisements

Maxamed Saleebaan Barre, Nin Soomaali ah oo ku xiran xerada uu sameystay Mareykanka ee lagu aruuriyay Muslimiinta ee Guantanamo.

Xerada Guantanamo waxaa ku jira boqollaal maxbuus oo qaar Soomaali yihiin

Xerada Guantanamo

Halkaan ka akhri

Xerada Guantanamo waxaa ku jira boqollaal maxbuus oo qaar Soomaali yihiin
Xerada Guantanamo waxaa ku jira boqollaal maxbuus oo qaar Soomaali yihiin

Muddo toddobo sano ku dhow ayuu Maxamed Saleebaan Barre ku jiray xabsiga Guantanamo ee uu Mareykanku ku hayo boqollaal qof oo ku eedeysan falal argagixiso. Laakiin marna si rasmi ah looguma soo oogin wax dambi ah.

Sanadkiiba mar, gole qarsoodi ah oo ay Dowladda Mareykanku u xilsaartay dhageysiga dacwooyinka maxaabiista, ayaa qiimeynayey kiiskiisa. Golahaas ayaa Mr. Barre u diiday inuu arko caddeymaha lagu heysto, waaba haddii ay jiraane. Waxayna sanad walba go’aamin jireen in xabsiga lagu sii hayo.

Dacwo

Toddobaadkii hore ayay qareenno mutadawiciin ah oo ka tirsan Xarunta Xuquuqda Dastuuriga ah ee fadhigeedu yahay magaalada New York, waxa ay oogeen dacwo ka dhan ah Dowladda Mareykanka.

Dacwadaas ayaa codsaneysa in Mr. Barre sida ugu dhakhsaha badan looga sii daayo xabsiga uu ku raagay. Inay dacwaddan oogaan, waxaa qareennada ku dhaliyey qaraar bishii hore kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Mareykanka. Qaraarkaas ayaa xukmiyey in maxaabiista Guantanamo ay leeyihiin xuquuq dastuuri ah oo u dhiganta midda ay leeyihiin dadka Mareyakanka ah.

Emi Maclean, waa mid kamid ah qareennada Maxamed Barre. Waxay sheegtay inuu ku jiro qol uu kaligiis ku xiran yahay muddo aad u dheer. Xaalad aad u qallafsanna uu ku jiro, kaddib sanado badan oo xarig ah, oo aan misana wax dambi ah lagu soo oogin iyo xaalad aan la hubin.

Sida lagu xiray

Maxamed Saleebaan Barre waa 42-jir. Waxaa laga soo qabtay dalka Pakistan, bishii November ee sanadkii 2001-da, xilligaas oo aheyd laba bilood uun kaddib weerraradii 11-kii September. Wuxuu la noolaa xaaskiisa, isagoo wakiil u ahaa mid kamid ah shirkadaha xawaaladaha ee Soomaalida.

Maxamed wuxuu kasoo baxay kuliyaddii beeraha ee Jaamacaddii Lafoole.

Sanadkii 1994-tii ayuu soo galay dalka Pakistan, isagoo muddo gaaban kusoo hakaday dalka India. Intii uu Pakistan joogay, hey’adda Qaxootiga Qamarada Midoobay ee UNHCR-ta loo yaqaanno, ayaa u aqoonsatay inuu yahay qaxooti.

Ciidanka sirdoonka Pakistan ayaa Mr.Barre su’aalo waydiiyey saddex goor oo kala duwan, ka hor intii aaney saqdii dhexe ee 1-dii November, sanadkii 2001-da, kala bixin gurigiisa. Sida ku cad hadal uu Mr. Barre u sheegay golihii loo xil saaray iney dacwaddiisa dhageystaan, sirdoonka Pakistan ayaa Mr. Barre ku niyad qaboojiyey inay sii deyn doonaan muddo gaaban kaddib.

Laakiin afar bilood markii uu u xirnaa sirdoonka Pakistan, ayey u gudbiyeen kuwa Mareykanka, kuwaas oo iyana usii qaaday xero ku taalla dalka Afghanistan, halkaas oo uu Mr. Barre sheegay in lagu jirdilay, laguna khasbay inuu qirto inuu ka tirsan yahay urur argagixiso ah. Dhowr maalmood kaddibna waxaa loo gudbiyey xerada Guantanamo.

Eedeymaha loo soo jeediyey

Golaha dhageysiga dacwadaha maxaabiista ayaa si boobsiis ah ugu eedeeyey Mr. Barre inuu yahay cadow u qalab qaatay la dagaallanka Mareykanka. Waxay kaloo ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay urur la yiraahdo Al-Wafa, oo ay dowladda Mareykanku argagixiso u aqoonsan yahay.

Mid kamid ah saraakiisha ururkaas ayaa mar la qabtay waxaa laga helay numberka taleefonka Maxamed Saleebaan Barre, sida ku qoran dacwada.

Laakiin Mr. Barre iyo qareennadiisa ayaa ku doodaya in taasi aysan caddeyn noqon karin, maadaama magaciisa iyo taleefonkiisaba ay ku qornaayeen barta internet-ka ee shirkaddii xawaaladda ee uu u shaqeynayey, qof walbana uu magaciisa iyo namberkiisa halkaas kala soo dhex bixi karay.

Wasaaradda Gaashaandhigaa Mareykanka oo aan la xiriiray ayaa ka gaabsatay inay ka faallooto kiiska Mr. Barre. Laakiin qareenkiisa ayaa eedeymahaas ku sifeysay kuwa aan asal iyo raad toona laheyn.

Qareenkiisu waxay sheegtay inaysan jirin caddeyn rasmi ah oo ku saabsan inuu dambi geystay.

Warqado uu Maxamed waalidkii usoo diray

Xaaji Saleebaan Barre Cali iyo Caasha Saleebaan Yuusuf
Waalidiinta Maxamed: Xaaji Saleebaan Barre Cali iyo Caasha Saleebaan Yuusuf

Intii uu ku jiray Guantanamo, Maxamed wuxuu kaloo inuusan dambi laheyn warqad ugu soo qoray waalidkiis oo ku nool meel u dhow magaalada Burco. Wuxu usoo marsiiyey hey’adda Laanqeyrta Cas. Waa kan aabbihiis Xaaji Saleebaan Barre Cali, oo iiga warramay xogtii ku qorneyd warqaddaas.

Inkastoo uu ahaa qof aan dadka dhibaateyn, sida uu Aabbihiis sheegay, haddana Maxamed dhibaato uma yara.

Maxaa hortaagan Maxamed sii deyntiisa?

Caqabadda ugu weyn ee hortaagan sii deyntiisa, sida ii sheegtay qareenkiisa, waa dowladda Mareykanka oo aan xiriir dibloomaasiyadeed oo toos ah la laheyn maamullada ka jira Soomaaliya, si ay ugu aaminto maxaabiista lasii daynayo.

Maxamed wuxuu doonayaa inuu ku laabto Somaliland, oo uu kasoo jeedo, laakiin taasi ma sahlana. Pakistanna kuma noqon karo, maadaama uusan u dhalan.

Mar kale, waa tan qareen Emi Maclean.

Waxay tiri haddii ay u dhalan lahaayeen Yurub ama dalal kale, sanado badan ka hor ayay dalkooda ku noqon lahayeen.

Taasna waxaa dacban markhaati ka ah in tiro ka badan 500 oo ah maxaabiis u dhashay dalalka Yurub, Canada iyo kuwa Carabta loo celiyey dalalakoodii, kaddib markii ay dalalkaasi cadaadis siyaasadeed oo xoog badan saareen Mareykanka.

Sourse BBC-Somali

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: