Advertisements

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo saaka lagu weeraray Madaafiic aad u xoogan.

Garoonka Muqdisho

Halkaan ka akhri

Bulshada ku nool magaalada Muqdisho ayaa saaka ka furaystay dhegahooda Madaafiic dhawaaqooda aad u xoog badan oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, ka dibna ciidamada gumeysiga Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya waxay xireen wadooyinka gala garoonka diyaaradaha.

Balse dadka degan xaafadaha ka agdhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in dhowr madfac lagu weeraray garoonka diyaaradaha waloow aan la ogaan Karin in madaafiicdaasi ay ku dheceen gudaha garoonka iyo weliba qasaaraha ay geeysteen.

Hase yeeshee warku wuxuu intaas raacinayaa in Masuuliyiin ka tirsan xoogaga Mujaahidiinta al shabaab ay sheegteen in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas, waxayna sheegeen in madaafiic ay ku garaaceen gudaha garoonka oo ay la haleeleen halkii ay la doonayeen.

Sidoo kale waxaa sababta weerarka Madaafiicdan lagu micneeyey in saaka la sugayey inay ka soo degayay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo ka yimid dalka dibadiisa.

Dhowr sacadood ka dib waxaa dib u furmay wadooyin lafdhabar u ahaa isku soodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho markii uu madaxweynaha ka soo degay garoonka.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: