Advertisements

Booyad Ciidanka gumeysiga Ethiopia biyo u waday oo lagu qarxiyay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

 

Booyad lagubay

Halkaan ka akhri

 

Abaarihii 01:00 saq Dhexe xalay ayay Mujaahidiinta Soomaaliyeed waxa ay Qarx Miino la beegsadeen Booyad Biyo u Dhaaminaysay Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugan Fariisinka Janta Kundisho duleedka Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

 Booyadan oo shalay 2 mar Biyo u dhaamisay Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ayaa la qaraxiyay ka dib markii ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed ugu galeen garaash ku yaala gudaha Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolkaas. 

Qaraxan oo ahaa mid lagu xiray Booyada oo kaliya ayaa la xaqiijiyay in uusan u geysan wax khasaare ah gaadiid kale oo ku jiray isla garaashka isla markaana ay Booyadu noqotay mid wada basbeeshay.

 

Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay shalay Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee soo dagay fariinks janta kundisho ay ka codsadeen odayaasha Magaalada in ay Biyaha u soo dhaamiyaan balse la sheegay in aysan siinin wax jawaab ah oo la xiriirta arintaasi.

 

Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa dhowrkii maalin ee u danbeysay waxa ay dagaalo kharaar ku qabsadeen qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan iyo midka gal-gaduud kaas oo la xaqiijiyay in looga gubay 6 gawaari 3 kale waxyeelo laga gaarsiiyay.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horeysay ee laqarxiyo baabuurta u adeega ciidamada gumeysiga Ethiopia, iyadoo la ogsoon yahay in ay waadadamba dagaalo kadhacayeen gobolka Hiiraan, iminkana weli ay isu hor taagan yihiin xoogagga Maxkamadaha iyo kuwa gumeysiga Ethiopia.

 SomaliSwiss Beledweyne

 SomaliSwiss@hotmail.com 

Advertisements
%d bloggers like this: