Xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed oo Jasiiradaha Madhawa iyo Madhaa ee gobolka Jubada Hoose la wareegay.

Xoogagga Muqaawamada

Halkaan ka akhri

Jasiiradaha Madhawa iyo Madhaa ee gobolka Jubadda Hoose ayey si rasmi ah shaley galab ula wareegeen xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidanka Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee dowladda KMG ah.

Jasiiradahan ayey xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed kala wareegeen ciidamo halkaa ku sugnaa oo aan cidna ka amar qaadan, balse ahaa maleeshiyo beeleedyo ka qowleysta deegaanadaas.

Xilliga halkaa ay gaareen xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee shaley galab ayaa halkaa waxa ay kala kulmeen maleeshiyaadkii ku sugnaa jasiiradaha Kudhaa iyo Madhaa iska hor’imaad wakhti yar oo kooban socdey.

Iska hor’imaadka ayaa sida wararka halkaa laga helayo ay sheegayaan waxa ku dhawaacmey 2 ka mid ah maleeshiyaadkii ku sugnaa jasiirada mudhaa, kuwaas oo dhaawacooda loo soo qaadey dhanka magalaada kismaayo oo la soo gaarsiyey goor danbe.

Labada jasiiradood ee Kudhaa iyo Madhaa ayaa ah kuwo isu muuqda, kana wada tirsan gobolka jubadda hoose, kama aysan jirin halkaa wax maamul ah oo ka arimiya deegaanadaas.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmial.com

%d bloggers like this: