Duleedka magaalada Beledweyne oo uu maanta ka dhacay dagaal culus oo ay isaga hor yimaadeen Xoogagga Islaamiga iyo Ciidamada gumeysiga Ethiopia.

Magaalada Beledweyne

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta ka dhacay deegaanka Qowlad oo qiyaastii ilaa 9KM dhinac waqooyi bari ka xigta Degmada B/weyne Dagaal aad u culus oo ay isaga hor imaadeen xoogaga mujaahidiinta islaamiga ah iyo ciidamadaGumeysiga Ethiopia.
Waxayna isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaa dhawaaqa rasaasta culculus laga maqlayay qeybo ka mid ah Magaalada B/weyne iyadoo ay jiraan qasaarooyin soo kala gaaray labada dhina balse aan la o gaan karin qasaarahaasi inta uu la egyahay.
Mujaahidiinta Xoogaga islaamiga ah ee dagaalka kula jiray ciidamada Ethiopianka ayaa dib u gurasho sameeyay ka dib markii ciidamadagumeysiga Ethiopia ay isticmaaleen hub culus sida rasaasta ka dhacdo Qoriga BMka oo ay ku garaaceen goobaha u dhaw dhaw halka uu dagaalka ka dhacay sidaas waxaa laga soo weryey sarkaal ka tirsan maxkamada islaamka waxaana haatan ay ku sugan yihiin ciidamada maxkamadaha deegaanka Beerxaani oo ka tirsan Gobolka Hiiraan walow qaar ka mid ah ciidamadu ay hor fadhiyaan Ethiopianka sida warku uu leeyahay.

Hase yeeshee dagaalkan ayaa socday muddo saacado ah, ka dibna istaagay, hase yeeshee waxaa la maqlayaa rasaas goos goos ah oo mararka qaar dhaceyso taasoo loo maleynayo in ay ridayaan ciidamada Ethiopianka kuwaasoo cidii ay arkaan maanta oo kale tooganayo.

Si kastaba ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa haatan u soo dhawaaday Magaalada B/weyne waxaana la sheegayaa in ay soo gaareen meel wax yar u jirta buurta janto-kundisho oo ah goobtii markii hore ay ka guureen toddobaad ka hor.

Balse waxaa la soo sheegay in dagaalkan uu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka gobolada dhexe iyadoo dad badan oo rayid ah labadii maalin ee ugu dambeysay uu dagaalku socday ku nafwaayeen kuwa badan ay ku dhaawacmeen sida uu warku sheegayo, inkastoo dadkii ka bara kacay dagaaladii ka dhacay Degmooyinka Matabaan iyo Guri-ceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ay dib ugu soo laabteen guryahooda.

Dadka ku dhaqan Magaalada B/weyne ayaa wal wal iyo cabsi xoogan ka muujiyay Dagaaladan iyo ciidamada Ethiopianka ah ee mar kale ku soo laabtay Deegaankooda waxaana haatan Magaalada laga dareemayaa qal qal iyo jahwareer iyadoo dhamaan Goobaha Ganacsiga iyo Adeegii kale ee Dad weynahana ay maanta wada xiran yihiin.

Ugu dambeyn ciidamada gumeysiga Ethiopia oo safar Dagaal iyo Shida badan ka dib soo gaaray Gobolka Hiiraan ayaan la ogeyn waxa ay fali doonaan iyadoo ay caado u tahay in ay markan oo kale xasuus iyo tacadiyo kula kacaan dadka rayidka ah.  

 SomaliSwiss  Beledweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: