Xildhibaan Cashara oo u sheegay qaar ka mid ah Warbaahinta in Barlamanku uu sameynayo guddi soo baara Xasuuqa loo gaystay dadka rayidka ah.

Xildhibaan Cashara

Halkaan ka akhri

Waa markii ugu horreysay oo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya ee fadhiidka ah  ay sheegaan in ay barayaan cidii geystay dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Xildhibaan Cawid Axmed Cashara oo Guddoomiyaha gudiga baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dhinaca warfaafinta oo u waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ay baaraayaan dhibaatadii loo geystay Shacabka Soomaaliya iyo cida ka dambeysay dagaaladii lagu xasuuqay dadka maatada ah oo aan waxba galabsan.

Xildhibaanka  Cashara ayaa sheegay in ay diyaariyeen gudi baaraya dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya isagoo intaasi ku daray in xubanahaas ay isuga jiraan guddiyada amaanka iyo xuquuqul insaanka ee Golaha Barlamaanka.

Guddoomiyaha gudiga warfaafinta ee Baarlamaanka Xildhibaan Cawid Axmed Cashara ayaa tilmaamay dhibaatada loo geysanayo Shacabka ay baarayaan hadii dowlada KMG iyo Ciidamada Ethiopia ku cadaato dhibaatada ka jirta Soomaaliya ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dad badan oo ka mid ah waxgarad Soomaaliyeed ay la yaabeen hadalka ka soo yeeray xildhibaan Cawid Axmed ka dib 18 Sano oo xasuuq baahsan lagu hayey bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ilaa iyo imminka oo loo soo kiraystay cadowgoodu soo jireenka ah oo maanta xiligan ay Ciidamada Ethiopia duqeyn xauuq ah ka geysanayaan magaalada Guri Ceel ee Gobolka Gal gaduud taasina ay Sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

SomalioSwiss  Bay dhaba

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: