Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada KMG oo sheegay in uusan Aqoonsaneyn waxna ka ogeyn Wareegto Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf maanta lagu Magacaabay Degmooyin Cusub.

MUUSE NUUR

Muuse Nuur Amiin

Halkaan ka akhri

Wasiirka arimaha gumaha dowladda KMG Muuse Nuur Amiin “waxaan aad uga xumahay in aan wareegtadaas ka maqlo warbaahinta anigoo xaq u lahaay in la’ii soo maro Arimaha Magacaabista Degmooyinka iyo Gobolada Dalka”

 

Muuse Nuur Amiin oo ah wasiirka arimaha gudaha ayaa iska fogeeyay in uu aqoonsan yahay magacaabista ama ku dhawaaqista degmooyin cusub oo lagu kordhiyay qaar ka mid ah gobolada dalka.

 

Muuse Nuur Amiin ayaa sheegay inay aheyd in lagala tashado wax walba oo ku saabsan degmooyin ama gobolo cusub ee lagu kordhinayo dalka Soomaaliya.

 

Wasiirka arimaha gudaha waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inuusan waxba ka ogeyn arintaas la xiriirta degmooyinka cusub.

 

Wareegto maanta goor hore uu aqriyay Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah afhayeenka dowladda KMG ah ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda KMG uu aqbalay soo jeedin ka timid wasiirkiisa arimaha gudaha waa Muuse Nuur Amiin, sidaasna uu ku magacaabay degmooyinka cusub.

 

Arintan ayaaa waxay ka dhigantahay ama cadeyneysaa qilaaf muuqda oo ku saabsan arimaha maamulka dowladda KMG uu jiro.

 

SomaliSwiss Muqdisho

 

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: